Somaliland oo ka hadashay saldhigyada Israa’iil ka samaysanayso Berbera.
Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa sheegay inaanay jirin wax joogitaan militari ah oo ay…
Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa sheegay inaanay jirin wax joogitaan militari ah oo ay Israa’iil ku leedahay Somaliland, isla markaana aanay socon wax wada-hadal ah oo ku saabsan in Israa’iil saldhig ciidan ka samaysato deegaannada Somaliland. Wasiirka ayaa hadalkan u sheegay wakaaladda Reuters maanta oo Arbaco ah, xilli uu ka qayb-galayay shir ganacsi oo ka socday magaalada Tel Aviv. Waxa uu sheegay in Israa’iil ay tababaro siiso ciidamada militariga iyo booliiska Somaliland, balse wararka sheegaya in wada-hadallo lagu furayo saldhig militari ay socdaan uu ku tilmaamay “xan iyo warar aan xaqiiqo ku dhisnayn.”
Danjiraha Israa’iil ee Somaliland, M
Dhanka kalena, Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil, Israel Katz, ayaa sheegay in Israa’iil iyo Somaliland ay muddo sannado ah si hoose isaga kaashanayeen hawlgallo sir ah oo taxane ah. Katz, oo hadalkaasi ka sheegay munaasabad uu ka garab muuqday Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaan faahfaahin ka bixin nooca hawlgalladaas iyo goobaha laga fuliyay. Somaliland ayaa tan iyo sannadkii 1991 si iskeed ah u maamulaysay deegaannadeeda kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, aqoonsiga Israa’iil siisay Somaliland ayaa dhaliyay falcelin xooggan, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tilmaantay tallaabadaas mid dhaawac ku ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

