WARARKA

Dunida maanta

Duqa Muqdisho oo Abwaan Mustafe Sheekh Cilmi u wareejiyay dhul iyo ballan-qaad guri
Soomaaliya

Duqa Muqdisho oo Abwaan Mustafe Sheekh Cilmi u wareejiyay dhul iyo ballan-qaad guri

2 daqiiqo akhris

Duqa Muqdisho, mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Abwaan Mustafe Sheekh Cilmi, isagoo casho-sharaf ku sameeyay xarunta maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo munaasabadda ka qayb-galay masuuliyiin sare oo dowladda iyo maamulka gobolka ka tirsan.

Wareejinta dhulka iyo ballan-qaadka guri

Duqa Muqdisho ayaa Abwaanka wareejiyay dukumentiga dhul laba boos ah, isagoo ka wakiil ah Madaxda Qaranka, wuxuuna dhulkaas ka siiyay Degmada Xamarjajab, isagoo ballan-qaaday in uu u dhisi doono guri munaasib ah Abwaan Mustafe Sheekh Cilmi.

Muungaab ayaa shaaca ka qaaday in tallaabadan ay tahay mid xaal-marinayaan Abwaanka, maadaama guri ay Muqdisho uga dhistay Dowladdii Dhexe, isagoo aan degin laga bililiqaystay sannadkii 1991-kii, dhacdadaas oo xilligaas ku dhalisay inuu tiriyo gabay uu ku cabbiray dareenkiisa, kuna inkaaray dalka, kaddibna uu isaga baxay.

Hadalka Duqa Muqdisho

Muungaab ayaa munaasabadda ka sheegay muhiimadda ay u leedahay in la aqoonsado lana dhiirrigeliyo hal-abuurayaasha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa suugaantooda uga qayb qaata dhismaha bulshada, kobcinta wacyiga muwaadinnimo iyo gudbinta fariimaha xambaarsan nabadda, wadajirka iyo horumarka dalka, oo uu ugu horreeyo Abwaan Mustafe Sheekh Cilmi.

“Maanta, anigoo wakiil ka ah madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul Wasaare Xamza, laba sabarloogo ayaan ku wareejinayaa Abwaan Mustafe Sheekh Cilmi, gurigana waa loo dhisayaa. Waxaan rabnaa intaas wixii ka dambeeya inaad duco noogu beddesho,” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Qorsheynta horumarinta caasimada

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkan dambe waday qorsheyaal guud oo lagu horumarinayo caasimada, sidoo kalena lagu garab istaagayo qoysaska ay saameeyeen qurxinta Obasiibooyinka iyo jidadka la bixinayo, iyadoo tallaabadan ay ka mid tahay qorsheyaashaas.

Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cali Shacbaan Ibraahim; Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed; Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim; Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh); Xildhibaanno, odayaal-dhaqameedyo, fanaaniin, abwaanno iyo marti-sharaf kale.

Ilaha iyo xuquuqda sawirka

www.caasimada.net

Sawir: Caasimada Xigasho

Wararka La Xiriira

Jirka Warbaahiyahii Soomaaliyeed ee Boqorka Bartamaha, Mohamed Aweys Muudey, Wuxuu Gaaray Magaalada Muqdisho
Soomaaliya

Jirka Warbaahiyahii Soomaaliyeed ee Boqorka Bartamaha, Mohamed Aweys Muudey, Wuxuu Gaaray Magaalada Muqdisho

Jirka warbaahiyahii Soomaaliyeed ee waaweyn ee Boqorka Bartamaha, Mohamed Aweys Muudey, oo la dilay…

SONNA English•Sep 26, 2026

Qor erayga aad rabto inaad raadiso

La soco Wararka

10 daqiiqo kadib, marka aanad akhrinayn ama qorin. Meesha aad joogtay waa la xafidayaa.

Dooro digniinaha wararka

Wararka cusub oo keliya. Ugu badnaan 3 digniin 24 saac gudahood; waad joojin kartaa mar kasta.

Asturnaanta / Privacy