
Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqay inuu iscasilo oo uu ku eedeeyay fashil hoggaamineed
Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale dhaliilay gogol wadatashi qaran oo Muqdisho ka furmaya 14-18 Nofeembar 2026, isagoo ku tilmaamay waqti lumis.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kula taliyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, inuu xilka iska casilo, isagoo ku eedeeyay inuu ku fashilmay isku haynta dadka iyo dalka iyo inuu suuragelin waayey doorasho heshiis siyaasadeed lagu yahay.
Baaqa iscasilaadda iyo sababaha Deni sheegay
Deni oo la hadlayey warbaahinta ku hadasha afka Dowladda Puntland ayaa sheegay in taladiisu ay ku sababeysan tahay danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxa uu xusay in Puntland ay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya, ayna waqti iyo dhaqaale badan gelisey dowladnimada Soomaaliyeed. Wuxuu yiri: “Puntland waa qayb kamid ah Soomaaliya waqti badan iyo dhaqaale badanna gelisey Dowladnimada Soomaaliya, waxaanse Xasan ugu baaqayaa in uu is casilo, dalkana u turo.”
Dhaliil loo jeediyay gogol wadatashi qaran
Wareysi uu siiyay Puntland TV, Deni ayaa dhaliilay gogol wadatashi qaran oo ay soo diyaarisay Dowladda Federaalka, isagoo ku tilmaamay mid aan wax natiijo ah laga gaari doonin, isla markaana ah waqti lumis. Gogolkaas ayaa la qorsheeyay inuu ka furno Muqdisho 14-18 Nofeembar 2026. Wuxuu yiri: “Wax Xasan laga dhowrto ma jirto doorashona ma qaban karo shirarkiisuna waa waqti lumis, waxaan dadka Soomaaliyeed ugu yeedhaynaa wadatashi, Puntland waxba hagran mayso waxay ka shaqaynaysaa danteeda iyo danta Qaranka Soomaaliyeed.”
Talo ku saabsan gole KMG ah iyo khilaafka siyaasadeed
Deni ayaa ku eedeeyay Xasan Sheekh inuu ku fashilmay hoggaaminta Soomaaliya, uuna khalday jihada siyaasadeed ee dalka, isagoo ku taliyay in la dhiso gole KMG ah oo dalka sii gaarsiiya doorashooyin. Wuxuu yiri: “Waxaan kula talin lahaa Xasan Sheekh isaga oo dadka, dalka iyo tiisaba u turaya inuu is-casilo. Dalka waa in loo dhisaa gole gaarsiiya doorashooyin.” Hadalladaas ayaa imanaya iyada oo khilaaf xooggan uu ka dhexeeyo Puntland iyo dowladda dhexe, kaas oo saameyn ku yeeshay wada shaqeyntii Garoowe iyo Muqdisho.
Deni calls Mogadishu's national consultation forum a waste of time ahead of its November 14-18, 2026 opening.
Puntland President Said Abdullahi Deni has advised Somali President Hassan Sheikh Mohamud to resign, citing a political dispute between Puntland and the federal government that has lasted more than four years. Deni also criticized a national consultation forum the federal government plans to open in Mogadishu from November 14-18, 2026.
Deni Says Hassan Sheikh Failed to Unite Somalia
Deni said Hassan Sheikh failed to maintain unity among the people and the country and was unable to hold an election based on political agreement. He accused the Somali president of failing to lead Somalia and of taking the wrong political direction. Deni said his advice was motivated by the interests of the country and the Somali people.
Puntland's Role and Call for a Transitional Council
Deni said Puntland is part of Somalia and has invested significant time and money in Somali statehood. He recommended establishing a transitional council to lead the country to elections. "I would advise Hassan Sheikh, for the sake of the people, the country, and himself, to resign. A transitional council should be established to lead the country to elections," he said.
Criticism of the National Consultation Forum
Deni described the national consultation forum organized by the Somali federal government as a waste of time and unlikely to produce results. He called on the Somali people to unite for the salvation of the country and to engage in genuine consultations to address the political situation and overcome challenges. "There is nothing to expect from Hassan, he cannot hold elections, and his meetings are a waste of time," he said.



