More

    Wareysi: Taliyaha booliska Puntland oo faah-faahiyey howlgallo amni oo ay fuliyeen

    Published on:


    Boosaaso — 
    Taliyaha ciidamada booliiska ee Puntland Jeneraal Muumin Cabdi Shire ayaa ka hadlay hawlgallo dhinaca amniga ah oo ka dhacay maamulka, oo ay kusoo qabteen in ka badan 20 tuhunsane.
    Waxa uu sidoo kale ka hadlay duqyantii 31-kii May ciidamada milatariga Maraykanka ee AFRICOM ay sheegeen inay ka fuliyeen buuralayda Cal Miskaas, gaar ahaan degaankaa Dhadaar oo uu sheegay in laguu dilay tiro ka badan saddexda xubnood ee Daacish ah ee horey Maraykanku u sheegay.
    Taliyaha ayaa uga hadlay hawlgalladan waraysi uu siiyey weriyaha VOA ee Boosaaso Faadumo Yaasiin Jaamac.


    Read More

    Related