More

    Wareysi: Booliska Bari oo faah-faahiyey howlgallada Boosaaso

    Published on:


    Boosaaso — 
    Hawlgallo ay maalmihii la soo dhaafay magaalada Boosaaso ka samaynayeen ciidamada ammaanka ee gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland, ayaa lagu soo qab qabtay dad aad u tiro badan oo ajaaniib ah oo siyaabo kala duwan u joogay Puntland.Dadkaasi oo u badan kuwo ka soo jeeda dalka Yemen balse ay ku jiraan ajaaniib kale iyo Soomaali, waxa lagu soo eedeeyay inay gacan siinayeen dadka ku lug lahaa fal dambiyeedyo ka dhan ah amaanka Puntland.Taliyaha qaybta Police ka gobolka Bari ee Puntland, Korneyl Cabdulqadir Jaamac Dirir, ayaa VOA da u sheegay in hawlagaladan ajaaniibta lagu beegsanayo ay yimaadeen kadib markii nin Yemeni ahi uu qarax ka gaystay magaalada Boosaaso kadibna uu dagaal uu bastoolad u adeegsaday la galay ciidamada ammaanka oo uu dhaawac u gaystay mid ka mid ah askarta.Sahra Ciidle Nuur ayaa khadka teleefonka ee Boosaaso kula xiriirtay Korneyl Cabdulqadir Jaamac Dirir, waxaanay ay wax waydiisay arrintan, iyo xaaladda guud ee gobolka gaar ahaan magaalada Boosaaso.


    Read More

    Related