Muqdisho — 
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada ayaa maanta ka furmay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.Shirkan, oo uu guddoomiyey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galaya madaxweyne goboleedyada Galmudug, HirShabelle, Jubaland, iyo Koonfur Galbeed, guddoomiyaha gobolka Banaadir, iyo sidoo kale ra’iisul wasaaraha iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, shirka ayaa looga hadlayaa “xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dar dargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab oo Ciidamada Xoogga dalka ay ka soo hoyeen guulo waaweyn, kana xoreeyeen deeganno badan oo ay horey ugu dhibaateynayey shacabka Soomaaliyeed iyo dhameystirka dastuurka dalka.”Shirkan ayaa waxaa ka maqan madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, oo khilaaf uu kala dhaxeeyo dowladda federaalka Soomaaliya.
Waxaa ka maqan shirkan maamul goboleedka Puntland oo madaxdiisu horey u sheegeen inay isku maamulayaan sidii dawlad madaxbannaan ilaa inta laga dhammaystirayo dastuur ay Puntland qayb ka tahay aftina loo qaadayo.Kadib markii baarlamaanka Soomaaliya ay dhowaan wax ka beddel ku sameeyeen qaar ka mid ah qodobada dastuurka, mas’uuliyiinta Puntland waxay sheegeen inay aqoonsigii kala laabteen hay’adaha dawladda federaalka.Shirkan ayaa lagu waday inuu dhaco bishii hore hase yeeshee dib loo dhigay. Wadahadallada ayaa imanaya xilli ay waddanka ka taagan yihiin kala-aragti duwanaansho ku saabsan wax ka beddelka dastuurka, dagaalladii ka dhanka ahaa al-Shabaab oo u muuqday in xooggoodii hakaday, iyo xaaladda bani’aadannimo oo laga cabsi qabo inay sii xumaato fatahaadaha darteed.Haddaba qodobada looga hadlayo shirka ayaa Sahra Cabdi Axmed ay ka waraysatay Wasiirka Warfaafinta dowlada federalka Somaaliya Daa’uud Aweys, ugu horeyntiina waxey weydiisey bal inuu sharax sida shirka uu u furmey.
