RASMI: Ajandayaasha horyaalla kal-fadhiga 58aad ee barlamaanka Puntland.
Golaha Wakiillada Puntland ayaa si rasmi ah u bilaabay kal-fadhigooda 58-aad, kaas oo uu furay Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. Kal-fadhigan ayaa diiradda lagu saarayaa arrimo muhiim ah oo la xiriira sharci-dejinta, la xisaabtanka xukuumadda, amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda guud ee Puntland.
Ajandayaasha ugu muhiimsan ee horyaalla golaha waxaa ka mid ah ansixinta ajandaha rasmiga ah ee kal-fadhiga, iyadoo sidoo kale la dhegeysan doono warbixinta guddiga joogtada ah iyo warbixinaha guddiyada kala duwan. Arrimahaas waxaa ka mid ah xoojinta isla xisaabtanka hay’adaha dowladda iyo kor u qaadista masuuliyadda laamaha fulinta.
Goluhu wuxuu mudnaanta siin doonaa ka doodista iyo meelmarinta xeerarka ay xukuumaddu u soo gudbiso, iyadoo si gaar ah loo eegi doono xeerarka la xiriira maamulka iyo horumarinta adeegyada bulshada. Sidoo kale, xildhibaannadu waxay awood u yeelan doonaan inay u yeeraan masuuliyiinta ay khusayso haddii ay jiraan arrimo u baahan faahfaahin dheeraad ah ama isla xisaabtan.
Dhinaca dhaqaalaha, Golaha Wakiilladu wuxuu falanqayn iyo dood ka yeelan doonaa xisaab-xirka sannad-maaliyadeedka 2025, si loo qiimeeyo dakhliga iyo kharashaadka dowladda. Waxaa intaa dheer, ajandaha kal-fadhiga 58-aad waxaa ku jira arrimaha siyaasadda Puntland ee ku aaddan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xaaladaha siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan qodobbada la xiriira doorashooyinka iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska.

