, 2025-06-30 19:46:55 ,
Warfaafinta Madaxtooyada SomalilandArticle InformationAuthor, Saleebaan SaxansaxoRole, X, @SSaxansaxoReporting from Hargeysa, Somaliland2 Saacadood ka horRa’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Bin Jasim Al-Thani, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Wafdi uu hoggaaminayey madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo labadii maalmood ee u dambeeyey ku sugnaa Magaalada Dooxa ee Caasimaadda dalka Qatar.Socdaalkan uu Madaxweyne Cirro ku tegay Waddanka Qatar, oo ah kii ugu horreeyey ee Madaxweyne Somaliland ka socdaa uu halkaas ku tago, ayaa ahaa kulan aad indhaha loogu hayey.Sida ay baahiyeen waaxyaha warfaafinta ee labada dhinac – Somaliland iyo Qatar – waxaa laga wada hadlay waxyaabo kala duwan. Sidee ayey labada dhinaca uga hadleen kulankan dhex maray Raysal wasaaraha iyo Madaxweyne CirroSida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Qatar, waxa uu Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar Sheekh Maxamed bin Cabdiraxmaan bin Jassim Al Thani, xaqiijiyey kulanka uu la yeeshay madaxweynaha Somaliland. “Intii kulanku socday, waxaa la is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladaha cusub ee ka taagan Soomaaliya, muhiimadda ay leedahay taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida, iyo sidoo kale siyaabaha kala duwan ee lagu xoojin karo kalsooni-dhiska dhinacyada kala duwan.” ayaa lagu yidhi War-saxaafadeed ay ku baahiyeen boggooda arrimaha dibedda.Waxaa warkan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar uu intaas ku daray “Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar waxa uu intii kulankan uu socday caddeeyey in Dawladda Qatar ay aamisan tahay in mustaqbalka Soomaaliya uu ku xidhan yahay furfurnaanta iyo wada-shaqeynta dhaxalgalka ah ee u dhaxeysa dhammaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed, taasoo lagu xaqiijinayo ixtiraamka madax-bannaanida iyo midnimada qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.Somaliland ayaa iyaduse dhinaceeda si ka duwan qaabka ay uga hadashay Dawladda Qatar uga hadashay kulankan, war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in labada dhinac ka wada hadleen horumarinta iskaashiga iyo xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Dawladda Qatar. “Labada dhinac waxay ka wada hadleen fursadaha iskaashi ee dhinacyada ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta, waxbarashada, iyo maalgashiga, iyada oo ujeedadu tahay horumarinta kobaca dhaqaalaha iyo xasilloonida gobolka. ” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkan Madaxtooyadu ka soo saartay kulanka Madaxweyne Cirro iyo Raysal wasaaraha QatarWaxa kale oo lagu sheegay war-saxaafadeedkan in madaxweyne Cirro u sheegay raysal wasaaraha Qatar ‘maqaamka taariikheed, sharci iyo siyaasadeed ee Somaliland inay gebi ahaanba ka duwan tahay ta Soomaaliya’. “Madaxweynuhu wuxuu caddeeyay sida ay Somaliland ka go’an tahay ka-qaybgal nabadeed ee arrimaha gobalka iyo xal u helidda mushkiladaha Geeska Africa” ayaa lagu yiri qoraalkaas.Axmed Zaki Faarax Iidle oo ah falanqeeye siyaasaddeed oo la hadlay BBC-da ayaa tilmaamay in kala duwanaanta qaabka ay Somaliland iyo Qatar uga hadleen kulankankan uu muujiyey in labada dhinac ay qolo walba cid gaar ah farriin u diraysay. “Waxaad mooddaa marka aad akhrido War-saxaafadeedka Qatar in luuqadda ay ku hadlaysay ay muujinaysay in aanay waxba iska beddelin mowqifkeedii ay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya kula macaamilaysay, halka Somaliland ay qoraal ku soo saartay Af-Soomaali oo ay dadkeeda kula hadashay luuqadda siyaasadda gudaha oo ay u sheegayaan in ay kala hadlayaan Qatar danaha Somaliland, markaa waxa muuqata in aanay jirin hal qodob oo labada war-saxaafadeed mideeya”.Axmed Zaki Faarax Iidle, waxa uu xusay inuu aamisan tahay in ay jiri karaan waxyaabo laga wada hadlay oo labada dhinac midna aanu ku soo bandhin qoraallada ay soo kala saareen, waxaanu yidhi “Waxa dhici karta aragtiyada in laga wada hadlay qodobkii Madaxweyne Trump ka hadlay ee aan weli soo shaac bixin ee la xidhiidhay sidii Falasiiniyiinta Gaza loo soo rari karo, Somaliland-na loogu beddeli lahaa aqoonsi ay dawladda Mareykanku aqoonsato” ayuu sii raaciyey.Maxay yihiin qodobbada ee laga filan karayey kulankan ee aanay labada dhinac ka hadal Warfaafinta Madaxtooyada SomalilandMa jirin wax xidhiidh ah oo ka dhexeeyey Somaliland iyo Qatar, waxaanu ahaa safarka Madaxweyne Cirro kii u horreeyey ee madaxweyne ka socda Somaliland uu ku tago dalkaasi, Axmed-saki Faarax ayaa aamisan in socdaalkan uu u yahay Somaliland bar-bilow cusub oo ay xidhiidh ku yeelan karaan Somaliland iyo Qatar “Ma jirin waxa xidhiidh ah oo hore ay u lahaayeen Somaliland iyo Qatar. Safarkan wuxuu muujinayaa inuu bar-bilow u noqon karo xidhiidh cusub oo ay labada dhinaca yeeshaan” Ayuu yidhi Axmed-saki Faarax Iidle.Axmed-saki Faarax, waxa kale oo uu xusay in la filayey in kulankan ay ka soo baxaan laba qodob midkood “Waxa la filayey in ay ka soo baxdo in Qatar oo caan ku ah dhex galka iyo dhex-dhexaadinta dhinacyada is haya in wada hadalladii istaagay ee Somaliland iyo Somalia soo noolayso, madaama oo ay tahay saaxiibka koowaad ee Dawladda Federaalka ee Somalia in qodobka koowaad ee ka soo baxa kaas ayaa laga filayey. qodobka labaad ee laga filayey wuxuu ahaa ballanqaadkii madaxweyne Trump ahaa in Gaza dadkeeda uu dejin doono qaybo ka mid ah Somaliland iyo Puntland, markaas labadaas qodob midkooda carabka laguma dhufan.”
Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’iisul Wasaaraha Qatar
Published on: