More

    Ma tahay xilligii loo baahnaa gogosha uu ku baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud?

    Published on:



    , 2025-03-30 13:16:46 ,

    SNTV, SOCIALQoraalka sawirka, Soomaaliya gogosha madaxweynuhu ku baaqaySaacad ka horMadaxweynaha dowladda Federalka Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo jeedinayey hadal uu uga gol-laa hambalya ciidul Fidriga ayaa khudbadiisa ku soo qaaday xaaladda dalka iyo dagaalka ay dowladdu kula jirto ururka al-shabaab.Madaxweynaha ayaa xusay in la joogo waqtigii qofkasta oo Soomaali ah ay diiwaan u gali lahayd kaalintuu ka qaato dagaalka ka dhana kooxda ee ka socda dalka.Ka sokow howlgaladaas, madaxweynaha ayaa sheegay qorshe ay muddooyinkii dembe u jeedinayeen siyaasiyiinta mucaaradka ah.Maalmo ka hor ayey ahayd markii xildhibaan Cabdirixmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka dowladda uu ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh in loo midoobo ilaalinta dowladnimada iyo dagaalka ka dhanka al-shabaab.Sidaas oo kale Sheekh Shariif Sheekh Axmed , madaxweynihii hore ee dalka ayaa ugu baaqay madaxweynaha in tallada dhulka uu dhigo lagana wadahadlo arrimaha siyaasadeed ee dalka.” Hoggaamiyaasha siyaasaddeed waxaan ugu mahadceliyanaa garashadooda wanaagsan ee inaan khawaariijta isku haysanin afkaar siyaasaddeed iyo sidaan baa dalka u roon iyo sidaan uma roona ee aan isku haysano jiritaanka dowlad Soomaaliyeed oo xor ah oo dimuqradi ah inay dalka ka hanaqaado waa midaa midaan isku haysano,”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.Wuxuu intaa ku daray inay soo dhaweynayaan arrintaas, isagoo xusay inay dowladdiisu gogol u fidinayso siyaasiyiinta iyo hoggaamiyaasha bulshada si aragtiyahooda iyo dadaalkoodu uu qeyb uga noqdo dagaalka iyo dhisimaha dowladnimo casri ah oo ku dhisan dimuqradiyad iyo nidaam federaal ah.Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya iyadoo madaxdii horey u soo mamaulay dalka qaarkood oo marar kala duwan hadlayey ay ku dhaliileen madaxweyne Xasan iyo xukuumada inay isku koobtay waxkasta oo mudnaa in talo laga galiyo.Gogosha ma tahay gogol waqtigeedii uu fidiyey madaxweynuhu?Qoraalka sawirka, Mursal SaneyMursal Maxamuud Saney, oo ah agaasimaha machadka daraasaadka ee Heritage ayaa BBC-da u sheegay in gogasha uu madaxweynuhu ku baaqay ay tahay ”Fursad u baahan in laga faa’iideeysto”Wuxuu intaa ku daray in hadda madaxweynuhu garowsaday inuu ka dhabeeyo hal-ku dhigiiisa ahaa Soomali Heshiis ah.”Waxaa loo fasiri karaa haddaan u jeedada ka abbaarno in Madaxwynuhu fahmay inuusan kaligiis ku filneyn taladda dalka, ha noqoto dagaalka lagula jiro nimanka nabad-diidka ah , waxay ka dhigan tahay wax weyn waa talo mar hore loo baahnaa,” ayuu yiri Saney.Mursal, wuxuu sheegay in tani abuuri karto fursad Soomaalidu ku mideyn karto talladeeda balse waxkasta ay ku xiran tahay in siyaasadda laga heshiiyo.”Wixii ka soo haray isaga kurisgiisa waa inuu dhulka soo dhigo oo dhaho Soomaalida waa tanaa taladii dhulkay iga taallaa ee an heshiino. Kow waxaa ah an ka heshiino siyaasada iyo awood qaybsiga,” ayuu BBC u sheegay Mursal Saney.Maxaa la gudboon madaxweynaha, maamulada iyo Mucaaradka? SOCIALQoraalka sawirka, Madaxda SoomaalidaAgaasimaha Machadka daraasaadka ee Heritage ayaa xusay inuu qabo in dhinacyadu muujiyaan tanaasul iyo in si dhaba looga wadahadlo arrimaha dalka.”Madaxweynaha waxaa la gudboon inuu ka dhabeeyo gogosha oo aysan noqon af-gobaadsi oo miiska soo fariisto isagoo wax shuruuda ku xirin, qolyaha ka soo horjeeda dowladda waxaa loo kala qaadayaa labo, dowlad goboleedyada oo saamiley siyaasadeed dhaba oo meesha ay joogaan ka arrimiya iyana waa inay miiska soo fariistaan shuruud la’aan,” ayuu yiri Mursal.Wuxu intaa raaciyey in Bulshada rayidkuna qaataan doorka dhexdhexaadnimada oo u dhaxeeya cida is haysata oo dhimriya oo markay kala fogaadana isku soo dhaweeya. AbdiweliQoraalka sawirka, Cabdiweli Maxamuud GureyDr. Cabdiweli Maxamuud Gurey, oo falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa la qaba Saney, in madaxweyne Xasan Sheekh markan uu qiimeeyey in xaaladda dalku u baahan tahay midnimo iyo in la gaaro heshiis siyaasadeed si hore loogu socdo.Gurey, wuxuu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay tanaasul iyo wadahadal dhab ah.”Waxaa u furan mucaaradka iyo maamulada in la isuga soo dhawaado waxa jira awgood, Soomaaliya dagaal uguma badiso, kaliya anigu waxaan arkaa in tallada dhulka la dhigo oo madaxweynuhu yiraahdo shirka meesha lagu qabanayo idinku meeleeya si loogu arko in waxa uu ku baaqay ay dhab ka tahay,” ayuu BBC-da u sheegay Cabdweli Maxamuud Gurey oo horrey musharax madaxweyne ugu soo noqday Puntland.Ilaa hadda madaxweynayaashii hore, Ra’iisul wasaarayaashi hore, mucaaradka, maamulada dalka si rasmi ah uguma jawaabin baaqa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here