21 C
New York

Guddoonka barlamaanka Puntland oo ka digey qalalaasaha siyaasadeed ee Somalia.

Published:

Guddoonka barlamaanka Puntland oo ka digey qalalaasaha siyaasadeed ee Somalia.

Guddoomiyaha barlamaanka Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid (Qarraaje), ayaa markii ugu horreysey ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee…
Guddoomiyaha barlamaanka Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid (Qarraaje), ayaa markii ugu horreysey ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Somalia iyo muddo dhaafka muddada xil-haynta hay’adaha dowladeed ee Somalia, maadaama aysan Puntland aqoonsan waxka-beddelka datsuurka dalka. Guddoomiye Qarraaje ayaa sheegay in markii ugu horreysey tan iyo dhismihii jamhuuriyaddii saddexaad ee Somalia uu dhammaaday muddo xileedkii hay’adaha dowladda iyadoo uusan jirin heshiis siyaasadeed ama mid doorasho oo laysku waafaqsan yahay ayna tallaabadaasi abuurtay xiisad siyaasadeed. “Waa markii ugu horreysey tan iyo dib u dhiska jamhuuriyadda 3aad ee Somalia oo uu muddo xileedka hay’add

Dhanka kalena, Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland ayaa ugu yeeray shacabka Puntland inay digtoonaan dheeraad ah muujiyaan xilna iska saaraan ilaalinta midnimadooda iyo midda guud ee umadda Soomaaliyeed. “Waxaan shacab weynaha reer Puntland ugu baaqayaa inay isdejiyaan isla markaana dhawraan midnimadooda, feejignaan dheeraad ahna ka muujiyaan isbeddelada siyaasadeed ee ka socda guud ahaan dalka kana hortagaan waxkasta oo wiiqaya midnimada iyo jiritaankooda”, Ayuu yiri markale guddoomiyuhu.

Related articles

Recent articles

spot_img