31.3 C
New York

Dowlada Puntland oo amar kasoo saartay ciidamada Federaalka

Published:

Dowlada Puntland oo amar kasoo saartay ciidamada Federaalka

Dowlada Puntland ayaa sheegtay in ciidamo kamid ah kuwa Federaalka aysan ka hawlgeli karin ama dhaq-dhaqaaq ka sameyn karin gobalada Puntland, go’aankan oo kasoo baxay shirkii Golaha Wasiirada ee Puntland. Shirkii Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ee qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 18-ka Juun 2026, uuna shir-guddoominayay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyey xaaladda amni ee Puntland. Goluhu wuxuu adkeeyey mowqifkiisa ah in Dowladda Puntland aysan qayb ka ahayn Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ilaa laga gaarayo heshiis dhammaan qodobadda ay isku hayaan Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid tahay hannaan

Sidaas darteed, Goluhu wuxuu faray dhammaan Hay’adaha Amniga iyo Caddaaladda ee Dowladda Puntland in aanay deegaannada Puntland ku sugnaan karin isla markaana gudbi karin gaadiid iyo ciidan aan ka tirsanayn Ciidammada Dowladda Puntland. Sidoo kale in cidii ku xadgudubta shuruucda iyo qawaaniinta Dowladda Puntland laga qaado tilaabo sharci waafaqsan. Goluhu wuxuu ugu baaqayaa dadweynaha Puntland inay qayb ka qaataan ilaalinta amniga iyo xasilloonida deegaannada Puntland.

Related articles

Recent articles

spot_img