28.6 C
New York

Boqolaal katirsan booliska Puntland oo tababar loogu soo xiray Godad.

Published:

Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Maxamed Baarri Shire, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka…

Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Maxamed Baarri Shire, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Dowladda Puntland, Sarreeye Guuto Mumin Cabdi Shire, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray tababarka Dufcadda 10-aad ee Ciidanka Booliiska Puntland, kuwaas oo ka qalin-jebiyay Dugsiga Tababarka Gen. Carays Godad ee magaalada Gaalkacyo.

Munaasabadda qalin-jebinta ayaa waxaa kasoo qaybgalay xubno ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Golaha Wasiirrada, Taliye kuxigeenka 2aad ee Ciidanka booliska Puntland Gen Cabdiqaadir Jaamac Dirir saraakiisha ciidamada kala duwan, maamulka Degmada Gaalkacyo iyo marti sharaf kale.

Ciidamada qalin-jebinayay ayaa munaasabadda ku soo bandhigay aqoonta, xirfadaha iyo tababarradii kala duwanaa ee ay soo qaateen muddadii ay ku jireen dugsiga tababarka, iyagoo muujiyay heerka ay u diyaarsan yihiin gudashada waajibaadka amniga iyo ilaalinta shacabka.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland, Sarreeye Guuto Mumin Cabdi Shire, ayaa hambalyo u diray saraakiisha iyo askarta cusub ee qalin-jebisay, isaga oo ku boorriyey inay si daacadnimo, anshax iyo waddaniyad leh ugu adeegaan bulshada iyo dalka

Qalin-jebinta Dufcadda 10-aad ee Ciidanka Booliiska Puntland ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Puntland ay ku xoojinayso tayada, aqoonta iyo awoodda ciidanka booliiska, si loo sii adkeeyo nabadgelyada iyo kala dambaynta deegaannada Puntland.

Related articles

Recent articles

spot_img