20.6 C
New York

Barlamaanka Puntland oo ku guul-darraystay inay u yeeraan Madaxweyne Deni.

Published:

Barlamaanka Puntland oo ku guul-darraystay inay u yeeraan Madaxweyne Deni.

Xubnaha golaha wakiilada Dowladda Puntland ayaa fadhi ay maanta yeesheen kaga doodey qodobada looga arrinsanayo kal-fadhiga…
Xubnaha golaha wakiilada Dowladda Puntland ayaa fadhi ay maanta yeesheen kaga doodey qodobada looga arrinsanayo kal-fadhiga 58aad oo uu Isniintii furay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Barlamaanka ayaa ajandohooda kal-fadhiga 58aad ku daray ka doodista mowqifka Puntland ee la xiriira gooni-isu-taagga Somaliland, la-xisaabtanka hay’adaha xukuumadda, iyo dib-u-eegista xaaladda garsoorka Puntland. Muddadii uu kulanku socdey ayaa waxaa looga hadlay qodobo saameyn ku leh siyaasadda, maamulka iyo hannaanka dowladnimada Puntland, gaar ahaan, arrinta Somaliland ayaa lagu tilmaamay mid xasaasi ah oo u baahan in laga yeesho mowqif mideysan.

Sidoo kale, mudanayaasha Baarlamaanka ayaa xoogga saaraya sidii kor loogu qaadi lahaa isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda oo ay kamid yihiin golaha xukuumadda oo qayb kamid ah dhawaan la soo magacaabay. Dhanka kale, kulanka ayaa lagu soo bandhigay mooshin lagu dalbanayey in Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, loo yeedho Golaha Wakiillada si wax looga weydiiyo xaaladda guud ee dalka iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Related articles

Recent articles

spot_img
WhatsApp