Barlamaanka Puntland oo ku guul-darraystay inay u yeeraan Madaxweyne Deni.
Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa maanta fadhi ay yeesheen kaga dooday qodobada kal-fadhiga 58aad, kaas oo uu Isniintii furay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.
Ajandaha kal-fadhiga 58aad waxaa lagu daray ka doodista mowqifka Puntland ee la xiriira gooni-isu-taagga Somaliland, la-xisaabtanka hay’adaha xukuumadda, iyo dib-u-eegista xaaladda garsoorka Puntland.
Intii uu kulanku socday, waxaa looga hadlay qodobo saameyn ku leh siyaasadda, maamulka iyo hannaanka dowladnimada Puntland. Arrinta Somaliland ayaa lagu tilmaamay mid xasaasi ah oo u baahan in laga yeesho mowqif mideysan.
Dhinaca kale, mudanayaasha Baarlamaanka ayaa xoogga saaraya sidii kor loogu qaadi lahaa isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda, oo ay ka mid yihiin golaha xukuumadda oo qayb ka mid ah dhawaan la soo magacaabay.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay mooshin lagu dalbanayey in Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, loo yeedho Golaha Wakiillada si wax looga weydiiyo xaaladda guud ee dalka iyo arrimo kale oo muhiim ah, balse golaha ayaa ku guul-darraystay inay u yeeraan madaxweynaha.

