More

    Arrimaha ku gedaaman Shirkii madasha ee Muqdisho lagu soo gabagabeyay

    Published on:



    , 2025-05-08 14:40:29 ,

    Villa SomaliaQoraalka sawirka, Madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa federaalka48 Daqiiqadood ka horMagaalada Muqdisho waxaa xalay lagu soo gabagabeyay shirka madasha wadatashiga qaran oo halkaa ka socday labadii maalmood ee la soo dhaafay, kaasoo ay ka qayb galeen madaxda dowladda federaalka ah iyo qaar ka mid ah maamul gobolleedyada.Shirka oo ay ka maqnaayeen madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed ku saabsan waxyaabihii laga wadahadalay.Qodobbada ugu waaweyn ee shirka laga soo saaray waxaa ka mid ah in Goluhu “isla aqoonsaday” in maamulka SSC-khaatumo uu xubin ka mid ah maamul goboleedyada dalka ka jira.Waxaa kale oo intaa la raaciyay in wxayaabaha ka dhiman SSC-khaatumo lagu soo dhameystiro shir loo ballansanyahay, iyadoo loo marayo hannaanka uu dastuurku qabo.Golaha ayaa isku raacay in maamul goboleedyadu ay guddiga doorashooyinka kala shaqeyaan dardar-gelinta iyo baahinta diiwaan gelinta dadweynaha si loo qabto doorasho „xor iyo xalaal ah”.Qodobbada lagu heshiyay oo gaaraya ilaa toban ayaa waxaa ka mid ah in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, ay keento talo iyo soo jeedin xaaladda maamul goboleedka Jubaland, iyadoo la waafajinayo dastuurka dalka iyo sharciyada kaleQoraalka ayaa lagu yiri “si loo helo nidaam dowlad goboleed sharci ah”.Arrintaan ayaa u muuqata in ay daba socoto hadalkii dowladdu horey u sheegtay ee ahaa in aaney aqoonsaneyn dib u doorashadii madaxweynaha maamulka Jubland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo dhacday bishii Nofembar sanadkii 2024-ka.Sidee looga falceliyay warka ka soo baxay shirkaDurba markii shirka la soo gabagabeyay waxaa soo baxay falcelinta maamullada Puntland iyo Jubalnd, oo wasiirro maamulladaasi ka tirsan ayaa barahooda bulshada iyo warbaahinta gudaha ku baahiyay hadallo ay ku sheegayaan in wax ka soo baxay aaney iyaga qusen isla markaana duulllaan lagu yahay labadaas maamul”Shirka Villa Somalia ka socdey waxaa caawa ka soo baxey oo Xassan Shiikh ku xalaaleystey duulaan lagu qaado Puntland iyo Jubbaland” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah.Dhankiisa wasiirka war-faafinta maamulka Jubaland Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar ayaa isna qoraal uu ku baahiyay barihiisa bulshada ku sheegay, “Waa socon weyney ee aan orodno weeye waxa ka soo baxay madaxda Hal Xisbi shirkooda, mana quayso Dowladda Jubbaland.”Dr. Cabdiweli Maxamuud Gurey, oo ah aqoonyahan bartay siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah ayaa qaba in marka la eego qodobbada laga hadlay miisaankooda iyo ka maqnaashiyaha maaullada Puntland iyo Jubaland ay tahay arrin laga baaqsa karay oo ay habbooneed in iyaguna ay qayb ka ahaadaan.Wuxuu sheegay in maadaama qodobbada kulanka looga hadlay ay ka mid ahaayeen doorashad, ammaanka, iyo la dagaallanka Shabaab ay ahayd in Puntland iyo Jubaland ay qyab ka ahaadaan.”Waxey ila tahay maamulladaasi inta ay maqanyihiin waxbaa ka maqan shirkaas” ayuu yiri Gurey.Dr. Cabdiweli Maxamuud Gurey oo BBC-du waydiisay sida xal ku imaan karo isla markaana maamullada iyo dowladda federaalka ee khilaafku ka dhaxeeyo ay isku fahmi karaan, ayaa ku jawaabay.”Waxey iila muuqataa in heshiis uu ku imaan karo, waxa lagu heshiin karo in la abbaaro, maadaama hadda waxa laga hadlay ay doorasho ku jirto, dastuurkii iyo wax wada qaybsi,”.In Puntland iyo Jubaland ay ka maqnaadaan kulanka madasha, waxaa sabab u ah khilaafka xooggan ee mudaba ka dhex aloosan maamulladaan iyo dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo marar badan dhinacyadu warbaahinta isku mariyeen hadallo u muuqday kuwa sababi kara in khilaafku sii baaho.

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here