More

    Xildhibaanada Soomaaliya oo ku kala aragti duwan habka loo maaraynayo xiisadda Ethiopia

    Published on:


    Xubno ka tirsan golaha shacabka ee laga soo doorto Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xilligan ku kala aragti duwan qaabka dowladda Soomaaliya ay uga falcelinayso xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya iyo mustaqbalka ciidamada ka jooga Soomaaliya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS.
    Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ayaa duray arinta Masar ee la xariirta taageerada amni ee Soomaaliya iyaga oo ku eedeeyay dawladda in colaad u dhexeysa Masar iyo Itoobiya loo soo raray gobolka gaar ahaan koonfur Galbeed.
    Dhinaca kalana Xildhibaano iyagana laga soo doortay Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in aan marna wada hadal laga galayn madaxbanaanida iyo gobanimada Soomaaliya, dowladda dhexena ay xaq u leedahay cidda ay la heshiineyso.
    Faahfaahinta warkaan waxaa Muqdisho kasoo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.


    Read More

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here