Maxaa u sabab ah dhaqaale xumida ka jirta suuqyada iyo magaalooyinka Soomaaliya

0
188

, 2024-08-06 15:43:12 ,
Lacag

Getty Images

Waxaa sanooyiinkii u dambeeyay laga deyrinaya xaaladda dhaqaalaha Soomaaliya gaar ahaan awoodda wax iibsiga ee shacabka.

Waxaa aad hoos ugu dhacay awoodda ay dadka u leeyihiin wax iibsiga iyada oo uu yaraaaday dakhliga dadka oo sida la sheegay hoos u dhacay.

Adan Bakar Cali oo ka mid ah ganacsatada sarrifka lacagaha qalaad ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqii suuqa uu si aad ah u yaraaday.

Waxaa uu xusay in maalinkii ilaa 30 qof oo sarrif doonaysa uu wax u sarifi jiray, balse hadda tiradaasi ay kala bar hoos u dhacday.


Ganacsi,Dhaqaalaha,Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here