Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in xilli ay shir kula jireen…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in xilli ay shir kula jireen ugaaska beesha Murusade iyo odayaal dhaqameed lagu soo weeraray goobtii ay ku sugnaayeen, Wuxuu ku eedeeyay maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu ka dambeeyay weerarkaasi.
Khayre, ayaa Alle uga baryey inuu naxariistiisa siiyo intii ku geeriyootay dhacdadaas, halka uu caafimaad degdeg ah u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay, wuxuuna tilmaamay in weerarku dhacay xilli ay ku jireen diyaarinta bannaanbax nabadeed oo la qorsheeyay in uu qabsoomo maalinta xigta.
Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in khasaaro kasta oo ka dhasha dhacdadan ay masuuliyaddeeda dusha ka saaran tahay dowladda federaalka, isaga oo ku tilmaamay madaxweynaha inuu yahay “madaxweyne waqtigiisu dhammaaday”, hadal muujinaya heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya mucaaradka iyo dowladda.
“Waxaa annaga oo shir kula jirna ugaaska beesha Murusade iyo odayaasha dhaqanka weerar nagu soo qaaday taliska uu hoggaamiyo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday. Waxaan Alle ka baryayaa in uu u naxariisto intii ku dhimatay, una boogadhayo intii ku dhaawacantay. Khasaaro kasta oo ka dhasha falkan waxaa masuuliyaddiisa qaadaya Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday oo na soo weeraray annaga oo diyaargarow ugu jirna bannaanbaxa nabadeed ee berri noo mad”, Ayuu yiri Khayre.

