32.7 C
New York

Ra’iisul Wasaare hore oo DFS ku eedeeyey weerar ka dhacay Muqdisho.

Published:

Ra’iisul Wasaare hore oo DFS ku eedeeyey weerar ka dhacay Muqdisho.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa cambaareeyey weerar maanta ka dhacay xaafadda Goleey…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa cambaareeyey weerar maanta ka dhacay xaafadda Goleey ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, kaas oo la sheegay inuu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah. Qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ayuu Kheyre ku sheegay in ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen shacabka deegaanka, isagoo ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku lug leedahay falal uu ku tilmaamay “dhulboob iyo barakicin lagu hayo dadka danyarta ah.”
Ugu horrayn Khayre ayaa tacsi u diray dadkii dhintay dhacdadaasi, isaga oo sheegay in shacabka la weeraray ay ahaayeen dad aan waxba galabsan. Wuxuu Alle uga baryay naxarii

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa dhaliilo culus u jeediyay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo xusay in dowladda ay hore u ballanqaadday joojinta dhulboobka iyo barakicinta shacabka, balse uu sheegay in weli ay sii socdaan falal la xiriira boob dhuleed iyo gabood-fallo ka dhan ah bulshada.

Related articles

Recent articles

spot_img