31.3 C
New York

Mareykanka oo weerarkii ugu cuslaa ku qaaday Israa’iil kadib heshiiska Iran

Published:

Mareykanka oo weerarkii ugu cuslaa ku qaaday Israa’iil kadib heshiiska Iran

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa si weyn u weerartay xukuumadda Israa’iil ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu xilli Mareykanka iyo Iiraan ay gaareen heshiis taariikhi ah. Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance ayaa dhaliilo culus u jeediyay dowladda Israa’iil iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta garabka midig ee dalkaas, isagoo sheegay in aysan xal u noqon karin caqabadaha amni ee haysta Israa’iil ku tiirsanaanta awoodda milatari oo keliya. Wuxuu xusay in inta badan qalabka difaaca ee Israa’iil ay adeegsato ay maalgelintiisa bixiyeen canshuur-bixiyeyaasha Mareykanka.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in hoggaanka Israa’iil looga baahan yahay inuu la yimaado qorshe ka baxsan adeegsiga xoogga si loo wajaho khataraha amni ee jira. Waxaad tihiin dal ay ku nool yihiin 9 milyan oo qof. “Labadii meelood saddex meel hubkii difaacayay Israa’iil saddexdii bilood ee la soo dhaafay waxaa la dhisay, laguna bixiyay kharashka shacabka Mareykanka ee canshuur-bixiyeyaasha ah,” ayuu yiri Vance.

“Waxaan arkay warbixintaas, balse waligey Netanyahu kama maqal wax uu ka sheegayo arrintan. Isagoo ka hadlayay wasiirrada garabka midig ee Israa’iil, Itamar Ben-Gvir iyo Bezalel Smotrich oo dhaliilay heshiis ay Mareykanka iyo Iiraan gaareen ayuu Vance sheegay inay tahay in la isweydiiyo waxa beddelka qorshahoodu yahay. Vance ayaa si gaar ah u cambaareeyay weerarrada ay Israa’iil ka fuliso dalka Lubnaan, isaga oo sheegay inay sababeen khasaare soo gaaray dad rayid ah.

Mar uu ka hadlayay warar sheegayay in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu uu ka carooday wada-hadallada Mareykanka iyo Iiraan ayuu Vance sheegay in uusan si toos ah uga maqal Netanyahu wax cabasho ah oo arrintaas ku saabsan. Jawaabtaydu waxay tahay: Maxay tahay qorshihiinnu? “Waxaan arkay Ben-Gvir iyo Smotrich oo heshiiska weeraraya.

Ma ku xallin kartaan dhibaato kasta oo amni inaad dad dishaan?” ayuu yiri. Wuxuu intaas ku daray in Madaxweyne Donald Trump uu yahay saaxiibka ugu awoodda badan ee Israa’iil haysato, isla markaana aysan jirin hoggaamiye kale oo caalami ah oo siin kara taageero la mid ah tan uu bixiyo. Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka ayaa sidoo kale uga digay Israa’iil inay khalad istiraatiiji ah noqon karto inay ka hor timaaddo ama weerarto saaxiibkeeda ugu weyn ee caalamka, isaga oo ula jeeday Mareykanka.

Waxaa laga yaabaa inuu dad kale wax u sheegayo oo uusan aniga ii sheegin,” ayuu yiri.

Related articles

Recent articles

spot_img