Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan aqbali doonin jiritaanka ciidamo hubeysan oo ka baxsan hay’adaha…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan aqbali doonin jiritaanka ciidamo hubeysan oo ka baxsan hay’adaha amniga dalka, kaddib dagaal ka dhacay degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay ka hortageen maleeshiyaad hubeysan oo lagu eedeeyay inay weerar ku qaadeen saldhig boolis oo ku yaalla degmada Howlwadaag. Dowladda ayaa sheegtay in iska horimaadkaasi uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Qoraalka ayaa lagu adkeeyay in Dowladda Federaalka aysan oggolaan doonin kooxo hubeysan oo si sharci darro ah uga howl gala caasimadda iyo guud ahaan dalka, iyadoo sheegtay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata falal amniga lid ku ah.
“Dowladdu marna ma aqbalayso ciidan hubeysan oo maleeshiyaad ah, lagumana dulqaadan doono falal lagu carqaladeynayo amniga iyo kala dambeynta,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Sidoo kale, dowladda ayaa sheegtay in hay’adaha amniga ay wadaan baaritaanno rasmi ah oo ku saabsan dhacdada, isla markaana dadka lagu helo falalkan loo marsiin doono sharciga.

