Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa qoraal kulul oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ku weeraray dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ay hoggaamiyayaasha mucaaradka ka wadaan magaalada Muqdisho, isaga oo ku eedeeyay inay wadaan abaabul horseedi kara qalalaase iyo dagaal ka dhaca caasimadda.
Cosoble ayaa qoraalkiisa si gaar ah ugu hadlay doorka Senator Cabdiraxmaan Faroole ee olalaha ka socda Muqdisho iyo sida Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame u fulinayaan qorshihiisa, sida uu hadalka u dhigay.
“Sen C/raxmaan Faroole gacan baan kuu taagay. Waxaan ogaaday inaad Hawiye iiga aqoon badan tahay oo ay suurtagal tahay inuu mashruucaadii ka hirgalo Xamar,” ayuu Cosoble ku yiri qoraalkiisa.
Hadalkan ayaa yimid xilli ay magaalada Muqdisho ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay wadaan hoggaamiyayaasha mucaaradka, kuwaas oo ka soo horjeeda qorshaha dowladda ee doorashooyinka iyo arrimaha dastuurka, islamarkaana isku dayaya in rabshado ay ka dhacaan caasimadda, si ay ugu qasbaan madaxweynaha in uu ka laabto muddo kororsiga.
Cabsi laga qabo qalalaase
Cali Cosoble ayaa qoraalkiisa ku sheegay in uu dareemay in hadallo hore oo laga sheegayay awoodda mucaaradka Muqdisho ay hadda u muuqdaan kuwo dhaqan galaya.
“Wuxuu dareen i galay markii ka dhiidhin kari waayeen warkaagii ahaa ‘Shariifka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur beynu heysanaa oo ka adeegsan doonaa Xamar’,” ayuu yiri, isaga oo tixraacaya Faroole.
Inkasta oo Cosoble uusan soo bandhigin caddeyn rasmi ah oo muujineysa in mucaaradku qorsheynayo dagaal, haddana qoraalkiisa ayaa muujinaya walaaca sii kordhaya ee laga qabo in khilaafka siyaasadeed ee Muqdisho uu ka gudbo hadal iyo bannaanbax, una wareego xaalad amni.
Mucaaradka ayaa dhowaan kordhiyay cadaadiska ay saarayaan dowladda federaalka, iyagoo ku eedeynaya inay ku fashilantay heshiis siyaasadeed oo laga gaaro doorashooyinka, dastuurka iyo hannaanka awood-qeybsiga.
Dowladda iyo taageerayaasheeda ayaa dhankooda ku eedeynaya qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha mucaaradka inay adeegsanayaan kicin siyaasadeed iyo abaabul beeleed si ay cadaadis uga abuuraan Muqdisho.
Qoraalka Cali Cosoble ayaa dood weyn ka dhaliyay baraha bulshada, maadaama uu si toos ah u taabtay xiriirka ka dhexeeya hoggaamiyayaasha mucaaradka, siyaasiyiinta Puntland iyo saamaynta ay kooxahaas ku yeelan karaan xaaladda Muqdisho.
Cosoble ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay in kalsoonida siyaasadeed ee noocan ah ay inta badan “qabato” marka la dareemo in awoodaha dibadda iyo siyaasiyiin gudaha ah ay isku dayaan inay magaalada u adeegsadaan dano gaar ah.
Muqdisho ayaa horey u soo martay xaalado siyaasadeed oo si degdeg ah ugu beddelay gacan ka hadal, gaar ahaan 2021, markii madaxweyne Farmaajo uu sameystay muddo kororsi laba sano ah, waxaana hadda indhaha lagu hayaa tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan dowladda federaalka iyo hoggaamiyayaasha mucaaradka.
Farriinta Cosoble ayaa ku dhammaatay digniin siyaasadeed oo uu ku muujiyay in Muqdisho aysan noqon karin meel lagu tijaabiyo mashruuc siyaasadeed oo cid gaar ah wadato, isagoo yiri: “Cid kastoy ogow Xamar rag iyo Rabbiba iney leedahay.”

