23.1 C
New York

Wararka Ciyaaraha: Taliyaha Ciidamada Uganda oo amar ku bixiyey in …

Published:

Taliyaha militariga Uganda Muhoozi Kainerugaba ayaa Axaddii sheegay inuu amray in la xiro laba ka mid ah warbaahinta waaweyn ee Uganda.

Ciyaaraha Soomaaliya

Wuxuu tallaabadaas ku sababeeyay isagoo sheegay inuusan aaminsanayn “saxaafadda xorta ah.”

Kainerugaba waa wiilka Madaxweyne Yoweri Museveni, kaasoo dalkaasi xukumayey tan iyo 1986.

Qoraallo taxane ah oo uu ku qoray boggiisa X, Kainerugaba wuxuu ku dhawaaqay xiritaanka wargeyska maalinlaha ah ee Daily Monitor iyo telefishanka NTV, isagoo ku dooday inuu awoodaas siiyey madaxweynaha ama aabihiis.

Faahfaahinta

Wuxuu sidoo kale sheegay in tani ay tahay “bilow” wuxuuna ku hanjabay inuu “xiri doono kuwo kale oo badan.”

Qoraalada uu soo dhigay X oo socday muddo dhowr saacadood ah ayey ku jireen hadalo aflagaado ah iyo hanjabaado ku socda dadka caanka ah ee Uganda, iyo sidoo kale qoraal uu ku sheegay inuu doonayo inuu dhammaan muwaadiniinta Turkiga ka tarxiilo Uganda.

Kainerugaba waxaa loo arkay inuu yahay dhaxal-sugaha xilka ee aabihiis Museveni. Waxaana lagu yaqaan hadallo muran dhaliyay oo uu baraha bulshada soo dhigo, oo ay ku jirto qoraal uu ku hanjabay inuu madaxa ka jari doono hoggaamiyaha mucaaradka Bobi Wine.

Falanqaynta

Wuxuuna xilka taliyaha ugu sarreeya militariga Uganda loo magacaabay sanadkkii 2024.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img