Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Jimcihii dalka Uganda uga qayb galay Shir-Madaxeedka Labaad ee Waddamada Ciidamadooda ka qeyb qaata howlgalka Taageerada iyo xasillinta ee Midowga Afrika ayaa kusoo bandhigay 5 qodob oo muhiim h.
Ciyaaraha Soomaaliya
Xasan Sheekh oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay shirka ayaa shanta qodob ku soo bandhigay horumarka la taaban karo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dib-u-xoreynta dalka, dib-u-habaynta hay’adaha amniga, xoojinta dowladnimada, kobcinta dhaqaalaha iyo tayeynta adeegyada bulshada.
Sidoo kale, wuxuu adkeeyey in guulahaasi ay saldhig u yihiin wadajirka shacabka Soomaaliyeed iyo garab istaagga saaxiibbada caalamka.A
Madaxweynaha ayaa sidoo kale uga mahadceliyay waddamada ciidamada usoo diray Soomaaliya, oo dadaal ku bixiyay amniga iyo xasiloonida Soomaaliya.
Faahfaahinta
Dhanka kale, War-murtiyeedka laga soo saaray shirka ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay weli tahay khatar amni oo halis ku ah Soomaaliya, isla markaana ay sii waddo beegsiga ciidamada iyo hay’adaha amniga ee dalka.
Dalalka ka qeyb-galay shirka ayaa carrabka ku adkeeyay in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab lagu lammaaniyo xoojinta maamulka, dib-u-heshiisiin siyaasadeed, kobcinta dhaqaalaha iyo wax ka qabashada saboolnimada, si loo helo nabad waarta.
Shirku wuxuu sidoo kale ku nuux-nuuxsaday muhiimadda kala-guurka amni ee qorsheysan, isaga oo ka digay in meelaha ciidamada laga saaro ama laga wareejiyo ay abuuri karaan firaaq amni oo ay ka faa’iideystaan kooxaha hubeysan.
Falanqaynta
Ugu dambeyn, dalalka shirka ka qeyb-galay waxay xuseen in maalgelinta howl-galka Midowga Afrika ee AUSSOM ay weli tahay mudnaan muhiim ah, iyagoo ugu baaqay beesha caalamka inay sii waddo taageerada dhaqaale si loo ilaaliyo guulaha amni ee la gaaray loogana hortago dib-u-dhac.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

