aad, kaas oo uu shir guddoominayey…
Ciyaaraha Soomaaliya
Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta yeeshay fadhigii 9-aad ee kalfadhiga 58-aad, kaas oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Cabdirisaaq Axmed Siciid, iyadoo ay weheliyeen labada Guddoomiye Ku-xigeen.
Fadhiga waxaa Golaha horyimid Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland, kaas oo xildhibaannada u soo bandhigay warbixin ku saabsan wax-ka-beddelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo Dhismaha Dowladaha Hoose, waxaana Wasiiruku faahfaahiyey ujeeddada xeerka, sababaha dib-u-habaynta, geeddi-socodka wax-ka-beddelka iyo saamaynta dhaqaale ee uu yeelanayo.
Wax-ka-beddelka xeerka ayaa sidoo kale dhigaya in si weyn loo dhimo tirada xubnaha golayaasha deegaanka. Degmooyinka heerka A oo hore u lahaa 33 xildhibaan ayaa lagu koobayaa 15 xildhibaan, halka degmooyinka heerka Boo hore u lahaa 29 xildhibaan laga dhigayo 13 xildhibaan. Sidoo kale, degmooyinka heerka C oo markii hore lahaa 27 xildhibaan ayaa tiradooda lagu soo koobayaa 11 xildhibaan.
Faahfaahinta
Golaha ayaa wasiirka weydiiyey su’aalo la xiriira wax-ka-beddelka xeerka, waxaana dood iyo falanqayn kadib hindisaha loo gudbiyey Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta ee Golaha Wakiillada si ay u diyaariyaan akhrinta labaad iyo dib-u-eegista xeerka. Guddiga ayaa la filayaa inuu warbixintiisa Golaha ku soo celiyo 4-ta Luulyo 2026, haddii Alle idmo.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

