Madaxweynaha FIFA muxuu ka yiri arrinta Garsoore Cumar Cartan?
Madaxweynaha FIFA ayaa sheegay in ururkiisu uu ka xun yahay xaaladda ku dhacday garsooraha Soomaaliyeed ee FIFA, Cumar Cabduqaadir Cartan, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in FIFA aysan awood u lahayn inay maamusho ama wax ka beddesho go’aannada socdaalka ee dowladaha. Isagoo ka hadlayay arrintan, Madaxweynaha FIFA ayaa yiri: “Dabcan waa wax laga xumaado wixii ku dhacay Cumar, garsooraha Soomaaliyeed, waxaan isku dayeynaa inaan wada-hadalno, xalna raadino, balse annagu wax walba ma maamulno.”
Wuxuu intaas ku daray in aysan macquul ahayn in FIFA ay ku amarto dowlad kasta cidda ay dalkeeda u oggolaaneyso inay gasho iyo cidda aysan u oggolaaneyn. “Ma u arki lahaydeen wax caadi ah in FIFA ay dowladda Ingiriiska ku amarto cidda dalka geli karta iyo cidda aan geli karin?
Dowlad kasta waxay leedahay sharciyo u gaar ah iyo nidaamyo socdaal,” ayuu yiri Madaxweynaha FIFA. Hadalkan ayaa yimid kadib markii Dowladda Mareykanka ay sheegtay in sababta loo diiday gelitaanka garsooraha Soomaaliyeed, Cumar Cabduqaadir Cartan, ay la xiriirto waxa saraakiil Mareykan ah ku tilmaameen xiriir uu la leeyahay shaqsiyaad looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin arrimo amni. Garsoore Cartan, oo 34 jir ah kana mid ah garsoorayaasha ugu magaca dheer Afrika isla markaana loo aqoonsaday Garsooraha Sanadka Afrika 2025, ayaa la filayay inuu noqdo garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee ka qeyb gala dhexdhexaadinta ciyaaraha Koobka Adduunka.
Hase yeeshee, waxaa laga celiyay Garoonka Caalamiga ah ee Miami, inkastoo uu watay baasaboorka diblomaasiga ah iyo fiisaha hal-mar-galka ah ee Mareykanka. Go’aankan ayaa yimid xilli Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu adkeeyay siyaasadaha socdaalka, isagoo hore u sheegay in inta lagu guda jiro tartamada waaweyn ee caalamiga ah sida Koobka Adduunka, ay muhiim tahay in “dadka saxda ah oo keliya” loo oggolaado inay dalka galaan. Saraakiisha Mareykanka ayaan weli si cad u soo bandhigin caddeymo faahfaahsan oo taageeraya eedeymaha loo jeediyay garsooraha Soomaaliyeed, arrintaas oo dhalisay dood iyo falcelin xooggan oo ka dhex taagan bahda kubadda cagta, warbaahinta caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed.
Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka uu saameeyay xayiraadaha socdaal ee maamulka Trump, halka kiiska Cumar Cartan uu noqday mid si weyn looga hadal hayo dunida ciyaaraha, iyadoo taageero ballaaran loo muujinayo garsooraha Soomaaliyeed ee sumcadda ku leh garsoorka kubadda cagta Afrika iyo caalamka. :::

