Washington — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu dhulka la simi doono Cumaan, oo ah xulufo Mareykan ah, haddii ay Iran kala safato arrinta dib u furista marin-biyoodka Hormuz. Trump ayaa sheegay in Cumaan ay tahay inay u dhaqanto si wanaagsan, haddii kale uu dhulka la simi doono.
Hadalkan ayaa yimid xilli la weydiiyay inuu aqbali doono heshiis ku-meel-gaar ah oo Iran iyo Cumaan u oggolaanaya inay maamulaan marinka. Maya, marin-biyoodka waa inuu u furnaadaa qof kasta, ayuu Trump u sheegay wariyeyaal. Waa biyo caalami ah, Cumaan-na waxay u dhaqmi doontaa sida dadka kale oo dhan, haddii kale waa inaan qarxinnaa.
Aqalka Cad si degdeg ah ugama jawaabin markii wakaaladda AFP ay weydiisay in Trump uu hadalka si khaldan u yiri oo uu ula jeeday Iran halkii Cumaan. Cumaan ayaa ah xulufo muhiim u ah Mareykanka, waxayna isku dayday inay dhex-dhexaadiso dagaalka Bariga Dhexe.
Trump ayaa maalmihii la soo dhaafay sheegayay in heshiis uu dhow yahay, balse wuxuu muujiyay caro sii kordheysa kadib markii wada-hadallada ay mar kale istaageen. Iran ayaa dhankeeda ku eedeysay Washington inay ku xadgudubtay xabbad-joojin jilicsan. Ilaa hadda, Cumaan si rasmi ah ugama jawaabin hadalka Trump.

