21 C
New York

Muungaab oo lagu maamuusay Billad Sharaf heerkeedu sarreeyo + Sawirro

Published:

Muungaab oo lagu maamuusay Billad Sharaf heerkeedu sarreeyo + Sawirro

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay lagu guddoonsiiyay Billad Sharaf oo heerkeedu sarreeyo. Munaasabadda ballaaran ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho.

Goob-joogayaasha munaasabadda waxaa ka mid ahaa Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno, Guddoomiye Ku-xigeennada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee maamulkaas, Odayaasha Dhaqanka, Waxgarad, iyo wakiillo ka socday Bulshada Rayidka, Haween, Dhalinyaro iyo marti sharaf kale.

Billaddan oo ay Muungaab ugu talagaleen shacabka ku dhaqan caasimadda ayaa uu ku mutaystay hoggaamintiisa hufan iyo horumarka la taaban karo ee uu ka hirgeliyay magaalada Muqdisho muddada sanadka ah ee uu xilka hayo. Abaalmarintan waxaa bixisay hay’adda Somali Night Awards.

Waxaa intaa dheer in abaalmarintu ka tarjumayso qaddarinta iyo mahadcelinta bulshada Soomaaliyeed ee ku aaddan dadaallada Guddoomiye Muungaab. Dadaalladaas waxaa ka mid ahaa adeegyada dhismaha iyo dib-u-habaynta kaabayaasha dhaqaalaha, tayeynta waxbarashada, daryeelka caafimaadka, taakuleynta bulshada nugul, kor-u-qaadista bilicda iyo magaaleynta caasimadda, iyo dejinta xeer-nidaamiyeyaal iyo shuruuc muhiim ah oo saldhig u noqday maamul hufan, isla-xisaabtan iyo horumar hiigsi leh.

Mas’uuliyiintii iyo marti sharaftii munaasabadda ka hadlay ayaa xusay in muddada kooban ee uu Guddoomiye Muungaab hoggaaminayay uu Muqdisho ka hirgeliyay isbeddello muuqda oo dhinacyo badan leh. Isbeddelladaasi waxay sare u qaadeen adeegyada bulshada, nadaafadda, bilicda iyo kalsoonida shacabka ku qabaan dowladdooda.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adda bixisay abaalmarinta dhiirrigelintooda dadaallada horumarineed. Waxa uu xusay in aqoonsigan uu uga dhigan yahay shidaal cusub oo uu ku sii xoojinayo hawlaha lagu horumarinayo Muqdisho.

Muungaab ayaa shaaca ka qaaday in dadaalladooda ay sii wadi doonaan, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan hormumarinta caasimada. Waxa uu ku dhawaaqay in sanadkan ay dhammaystiri doonaan dhammaan waddooyinka Muqdisho, sidoo kalena ay hirgelin doonaan mashaariic waa wayn oo muhiim ah.

Maamulka Gobolka ee uu hogaaminayo ayaa sanadkii lasoo dhaafay ku guuleystay hirgelinta ballan qaadyadii uu horay u sameeyay Duqa. Wuxuuna mar kale ku dhawaaqay tallaabooyin kale oo uu qaadayo si loo hormariyo caasimadda. “Waxaan sii laba jibbaari doonnaa howlaha horumarineed ee ka socda caasimadda, sida nadaafadda iyo guud ahaan adeegyada bulshada,” ayuu yiri Guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Related articles

Recent articles

spot_img
WhatsApp