31.3 C
New York

Mucaaradka oo soo bandhigay hanaan doorasho oo ka duwan kii hore iyo kan qof iyo cod

Published:

Mucaaradka oo soo bandhigay hanaan doorasho oo ka duwan kii hore iyo kan qof iyo cod

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo hoggaannada maamullada Puntland iyo Jubaland ayaa haatan miiska soo saaray hannaan doorasho oo cusub. Hanaankan oo ka duwan doorashadii dadbaneyd ee dalka ka dhacday sanadkii 2022 iyo nidaamka qof iyo cod ee ay hadda waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ah doorasho dad iyo deegaanno badan ah. Hase yeeshee, qorshaha dowladda ee doorasho qof iyo cod ah ayaa wajahaya mucaaradad xooggan, iyadoo kooxaha mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada ay ku doodayaan in hannaan kasta oo doorasho lagu geli karo uu u baahan yahay heshiis siyaasadeed oo ballaaran.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, mucaaradka ayaa qorshahan cusub u gudbinaya wakiillada beesha caalamka, kuwaas oo kaalin muuqata ka qaadanaya dadaallada lagu raadinayo is-afgarad siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka. Soomaaliya ayaa markii ugu dambeysay doorasho guud oo toos ah qabatay sanadkii 1969-kii, ka hor afgambigii militariga ee Maxamed Siyaad Barre. Waxaa sidoo kale weli xusuusta ku jirta xiisaddii siyaasadeed ee sanadkii 2021, markii muran ka dhashay muddo-kordhin uu sababay isku dhacyo hubeysan oo ka dhacay Muqdisho, ka hor inta aysan dhinacyadii siyaasadeed dib ugu laaban wada-hadal.

Golaha ayaa sheegay in qorshahoodu ku saleysan yahay doorasho dadban oo ay ka qeyb-gelayaan dad iyo deegaanno ka badan kuwii lagu saleeyay doorashooyinkii hore, si loo helo hannaan ay ku wada qanacsan yihiin dhinacyada siyaasadda dalka. Tan iyo burburkii dowladdii dhexe, doorashooyinka heer federaal ayaa inta badan ku dhacay hannaan dadban, waxaana madaxweynaha dooran jiray baarlamaanka. Sida ay sheegeen xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka, nidaamkan cusub ayaa suurta-gelin kara in doorasho dalka ka qabsoonto muddo saddex bilood gudahood ah, haddii lagu heshiiyo qaabka loo wajahayo iyo hirgelintiisa.

Beesha caalamka ayaa dhankeeda muujineysa cabsi laga qabo in khilaafka siyaasadeed uu u gudbo marxalad ka adag midda hadda taagan, gaar ahaan iyadoo Soomaaliya ay weli wajahayso weerarro ka imanaya Al-Shabaab, xaalad amni oo jilicsan iyo baahiyo bini’aadantinimo oo soo noqnoqda. Sidoo kale, waxaa la filayaa in beesha caalamku mar kale isa-soo hor fariisiso madaxda Dowladda Federaalka iyo mucaaradka, xilli ay dowladda sii waddo qorshaheeda doorashooyinka tooska ah, iyadoo dadaalladeeda hadda diiradda saareysa dowlad-goboleedyada Galmudug iyo HirShabeelle, kadib markii ay soo xirtay faylka Koonfur Galbeed. Si kastaba, khilaafka ka dhashay doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo muddada xilka hay’adaha federaalka ayaa sii xoogaystay kadib markii dowladda ku adkeysatay in dalka loo wado

Beesha caalamka ayaa hadda u muuqata inay doonayso in laga hortago in xaaladda siyaasadeed ee maanta taagan ay gaarto heerkaas oo kale, iyadoo xoogga saaraysa in dhinacyadu ku heshiiyaan hannaan doorasho oo looga gudbo marxaladda kala guurka.

Related articles

Recent articles

spot_img