Maxkamada Caalamiga ah ee Dhex-dhexaadinta ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda kiiskii ay soo gudbisay Dowladda Rwanda oo ka dacwoonaysay Dowladda UK, iyadoo Rwanda ay sheegtay in UK ay uga baxday heshiiskii dhexmaray labada dal ee Tarxiilka dadka magan-gelyo doonka ah.
Dowladda Rwanda ayaa dacwadan soo gudbisay bishii Nofeember ee sanadkii hore, iyadoo ku dooday in ay ku leedahay lacago gaaraya $134 milyan oo doollar, sida ku xusnaa heshiiskii dhexmaray labada dal sanadkii 2022.
Sida heshiisku u dhashay
Xukuumadii hore ee UK ee uu hogaaminayay Raysalwasaare Boris Johnson ayaa xukuumadda Rwanda kula heshiisay sanadkii 2022, inay qaabisho qaxootiga laga soo tarxiilo UK, iyadoo UK ay bixinayso kharashaadka socdaalka iyo dayactirka. Heshiiskan ayaa ahaa mid caalami ah oo dhinacyo badan ka hadlayeen, gaar ahaan ururada xuquuqul insaanka ee Yurub.
UK ayaa horay u siisay Rwanda $390 milyan oo doollar si loo dhiso xeryaha qaxootiga lagu hayn lahaa, balse heshiiskan waxaa joojiyay Raysalwasaare hadda xilka haya Keir Starmer, oo maalintii ugu horreysay ee uu xilka qabtay bishii Luulyo 2024, laalay heshiiskaas oo uu ku tilmaamay mid khasaaro badan ku jiray oo aan waafaqsanayn qiyamka UK.
Tirada dadka la tarxiilay
Illaa iyo hadda, tirada dadka laga celiyay UK ee la geeyay Rwanda ayaa ah afar qof oo keliya, kuwaas oo dhamaantood iskood u codsaday in la geeyo dalkaas. Tani waxay muujinaysaa in heshiisku uusan gaarin ujeeddooyinkiisii asalka ahaa.
Go’aanka Maxkamadda
Xukuumadda Rwanda ayaa sheegtay in heshiiskii la saxiixay 2022 uu qorayay in UK ay bixiso lacagta dhiman oo ah $134 milyan, sanadaha 2025 iyo 2026. Dacwadan dhex-dhexaadinta caalamiga ah ayay Kigali ku gudbisay sanadkii hore, kadib markii ay fashilmeen wadahadaladii diblomaasiyadeed ee labada dal.
Maxkamadda dhex-dhexaadinta ayaa sheegtay in UK ay xaq u leedahay inay ka baxdo heshiiska, arrintaas oo waji gabax ku noqotay dowladda Rwanda oo rajo weyn ka qabtay inay lacagtan soo ceshato.
Saamaynta go’aanka
Go’aankan ayaa sidoo kale caqabad ku noqon doona qorshayaasha danbe ee dalalka Midowga Yurub (EU) oo ku doonayay inay heshiisyo noocan oo kale ah la galaan wadamadda Afrika si dib loogu celiyo qaxootiga. Siyaasadahan ayaa hadda wajahaya su’aalo sharci oo culus kadib go’aankan taariikhiga ah.

