Tirada dadka ku dhintey weerarkii Niger oo siweyn u korortay.
Ugu yaraan 35 qof ayaa ku dhintay weerar hubeysan oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah…
Ugu yaraan 35 qof ayaa ku dhintay weerar hubeysan oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Diori Hamani ee magaalada Niamey, caasimadda dalka Niger, waxaana weerarkaan oo Khamiistii dhacay uu noqday kii labaad ee noociisa ah ee lagu qaado garoonkaas muddo ka yar shan bilood gudahood, waxaana uu sare u qaaday walaaca laga qabo xaaladda amniga ee dalkaas. Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxyo iyo rasaas culus la maqlay xilli dadku kasoo baxayeen salaaddii subax. Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale sheegay inay gacanta ku dhigeen hub iyo walxo qarxa oo ay ka mid yihiin qoryaha AK-47, RPG-7 iyo rasaas tiro badan.
Weerarkan ayaa muujinaya awoodda ay weli kooxaha hubeysan ugu leeyihiin inay beegsadaan xarumaha muhiimka ah ee dowladda Niger, inkastoo dadaallo amni oo badan ay socdaan. Wasaaradda Difaaca Niger ayaa sheegtay in dadka dhintay ay isugu jiraan 22 ka mid ah kooxdii weerarka fulisay, 11 askari iyo laba qof oo rayid ah. Kooxda Jamaat Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM), oo xiriir la leh ururka Al-Qaacida, ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.
Niger ayaa muddo ka badan toban sano la daalaa-dhacaysay kacdoonno ay wadaan kooxo Islaamiyiin hubeysan, weerarka kadib, ciidamada ammaanka ayaa xiray waddooyinka ku dhow garoonka diyaaradaha, iyagoo bilaabay baaritaanno lagu xaqiijinayo ammaanka aagga. Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan caqabadaha amni ee ka jira dalalka gobolka Saaxilka Afrika.

