25.3 C
New York

Shacabka Kenya oo ka hor-yimid qorshe Mareykanka uu ka damacsan yahay dalkooda

Published:

Nairobi (Caasimada Online) – Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Nanyuki ee bartamaha Kenya Isniintii, iyagoo ka mudaaharaaday qorshe uu Mareykanku ku doonayo inuu xarun karantiil oo Ebola ah ka sameysto saldhig militari oo ku yaalla deegaankaas, sida ay dad deegaanka ahi u sheegeen Reuters.

Dibadbaxyadan ayaa yimid maalmo kaddib markii Maxkamadda Sare ee Kenya ay si ku meel gaar ah u hakisay hirgelinta qorshahaas, kaddib dacwad lagu doodayay in xaruntaasi khatar ku noqon karto caafimaadka dadweynaha.

Go’aanka maxkamadda oo soo baxay Jimcihii ayaa dowladda ku amray inay si ku meel gaar ah u joojiso qorshaha, inta laga dhageysanayo cabashada ka dhanka ah xarunta la qorsheeyay.

Saraakiil sare oo Mareykan ah ayaa sheegay in xarunta oo qaadi karta 50 sariirood laga hirgelin doono saldhigga ciidamada cirka ee gobolka Laikipia, isla markaana loogu talagalay muwaadiniin Mareykan ah oo laga yaabo inay la kulmeen fayraska Ebola balse aan weli muujin calaamado cudurka ah.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale xaqiijisay jiritaanka qorshahaas. Wasiirka caafimaadka Kenya, Aadan Ducaale, ayaa bayaan uu soo saaray Sabtidii ku sheegay in xaruntan ay qayb ka tahay dadaallo ballaaran oo lagu xoojinayo nidaamka ka jawaabista xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in xaruntaasi la filayay inay shaqo bilowdo Jimcihii lasoo dhaafay. Si kastaba, diyaarado milatari oo dhowr ah ayaa toddobaadkii dhammaaday iyo dhammaadka asbuuca ka degtay kana duushay Nanyuki, arrintaas oo diblomaasiyiin iyo khubaro ay ku tilmaameen inay u muuqato diyaar-garow Mareykan ah oo weli socda, inkasta oo ay maxkamaddu amartay hakinta qorshaha.

Goob-jooge ayaa Sabtidii sheegay in booliska iyo ciidamada ay sare u qaadeen joogitaankooda waddooyinka gala saldhigga cirka.

Muuqaal ay Reuters heshay Isniintii ayaa muujinayay dad gaaraya ku dhowaad 100 qof oo isugu yimid meel qiyaastii afar kiiloomitir u jirta goobta xarunta laga dhisayo. Dadka ayaa afuufayay fooriyooyin, qaar kalena waxay saarnaayeen gaari nooca xamuulka fudud ah, iyadoo qiiq laga arkayay wax dab lagu qabadsiiyay waddada. Dadka deegaanka ayaa sheegay in tirada dibadbaxayaasha ay gaareysay boqolaal.

Telefishinnada NTV Kenya iyo Citizen Kenya ayaa iyaguna baahiyay muuqaallo muujinaya dad isugu soo baxay bannaanka darbiga saldhigga cirka, halkaas oo taangi yaallay iyo askar yar oo waardiye ah.

Patrick Wahome oo ka mid ahaa qaban-qaabiyeyaasha mudaharaadka ayaa Reuters u sheegay in dadka deegaanka ay doonayaan in xarunta caafimaad gabi ahaanba la joojiyo ugu dambeyn Talaadada, oo ku beegan 9-ka June.

“Nanyuki waa magaalo aad u yar. Ciidamada ka shaqeeya saldhigga waxay la nool yihiin bulshada. Carruurteennuna waxay dhigtaan iskuullo la mid ah kuwa ay dhigtaan carruurtooda. Taas macnaheedu waa haddii qof cudurka qaado, annaga oo dhan ayuu nagu fidayaa,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray, “Waxaan bannaanbax ugu jirnaa badbaadinta nolosheenna.”

Milkiile maqaaxi oo lagu magacaabo Patrick Maina ayaa isna sheegay in qalalaasaha ka dhashay arrintan uu ku khasbay inuu xiro ganacsigiisa, isagoo xaaladda ku tilmaamay mid aad u xun.

“Subaxnimadii illaa hadda maanaan furin ganacsiga, waxaana suurtagal ah inay berri ka sii darto,” ayuu u sheegay Reuters.

Sida ay muujisay adeegga raadraaca duulimaadyada ee Flightradar24, diyaarad militari oo Mareykan ah nooca C-130 ah ayaa xitaa Nanyuki timid galabnimadii Jimcihii.

Laba qof oo deggen Nanyuki ayaa sidoo kale sheegay inay arkeen diyaarado militari oo u sii jeeda saldhigga dhammaadkii asbuuca, inkastoo Reuters aysan si madax-bannaan u xaqiijin karin inay ahaayeen diyaarado Mareykan ah.

Source: Caasimada Online

Related articles

Recent articles

spot_img