More

    Maxay Soomaaliya iyo Somaliland ka yiraahdeen hindisaha Mareykanka ee ah in Falastiiniyiinta Qaza loo raro dhulkooda?

    Published on:



    , 2025-03-15 14:21:42 ,

    SOCIAL58 Daqiiqadood ka horDowladda federaalka ee Soomaaliya iyo jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa sheegay in aysan jirin wax hindiso oo ay ka heleen Maraykanka iyo Israa’iil, kaasi oo ku saabsan in Falastiiniyiinta Qaza loo so raro halkaasi.Sida ay qortay wakaalada wararka ee Reuters, dowladda Soomaliya ayaa sheegtay inay si cad u diiday tallaabo kasta oo Falastiiniyiinta dhulkooda looga rarayo.Wakaaladda wararka ee AP oo soo xiganaysa saraakiil Maraykan iyo Israa’iil ka tirsan ayaa sheegtay in dawladoodu ay la xiriireen masuuliyiin ka kala socda dalalka Sudan, Somalia iyo Somaliland, si ay ugala hadlaan in dhulkooda dib-u dajin looga sameeyo Falastiiniyiinta marinka Qaza.Saraakiisha Suudaan ayaa sheegay in ay ku gacan seyreen soo jeedinta Mareykanka, waxaana mas’uuliyiin ka kala tirsan Soomaaliya iyo Somaliland ay sheegeen in aysan ka warheyn wax xiriir ah, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee AP.Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa u sheegay Reuters in dalkiisu uu si cad u diidi doono “soojeedin kasta ama hindise kasta oo ka yimaada dhinac kasta, kaasoo wiiqaya xaqa ay shacabka Falastiin u leeyihiin inay si nabad ah ugu noolaadaan dhulkii awoowyadood”.Wasiir Fiqi ayaa intaa ku daray inaysan dowladda Soomaliya helin wax talo ah oo noocaas ah, isagoo xusay in Muqdisho ay kasoo horjeeddo Qorshe kasta oo ku lug leh in dhulka Soomaaliya la dajiyo dadka kale.Dhanka kale, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa dhankiisa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Reuters in ” aysan jirin wax wada hadal ah oo ku saabsan Falastiiniyiinta oo ay galeen”.Si ka duwan Soomaaliya oo in ka badan 17 sano dagaal kula jirtay kooxo Islaami ah, Somaliland waxay inta badan nabad ka jirtay tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day dowladdii Soomaaliya 1991-kii.Balse Somaliland ma jiro dal aqoonsanan, dawladdeeduna waxay rajo ka muujisay in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu u hiillin doono qaddiyaddeeda.Ma aha markii ugu horreysay ee ay warbaahinta soo hadal-qaadaan suurgalnimada in dadka Qasa loo raro Soomaaliya.Balse mar kasta dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysata in aysan arrintaasi aqbali doonin. ReutersAqalka Cad iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka si degdeg ah ugama aysan jawaabin codsiyada Reuters ee ku aaddan arrintan.Marka la eego qorshaha Trump, in ka badan labo malyan oo qof oo reer Qasa ah ayaa si aan ka soo noqosho lahayn loogu diri doonaa deegaanno kale. Wuxuu soo jeediyey in Maraykanku uu la wareegayo lahaanshaha dhulkaas, dushana uu ka eegi doono shaqada nadiifinta, uuna dhismeyaal ka dhisi doono.Fikradda ah in dad badan oo Falastiiniyiin ah la soo raro ayaa mar waxaa loo arki jiray wax ay ku riyoonayaan dadka ay waddaniyaddu madax martay ee Israa’iil. Laakinse tan iyo markii uu Trump soo jeediyey fikraddan, kulan ka dhcay aqalka cad bishii hore, ayaa ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu aad u soo dhoweeyey.Hoggaamiyeyaasha Carabta ayaa shaaciyay in lacag dhan 53 bilyan oo doollar ay uruurin doonaan si dib loogu dhiso Gaza taas oo ka muujinaysa in aanan Falastiiniyiinta laga barakicinayn dhulkooda go’doonsan, taas oo ka duwan aragtida Trump ee Bariga Dhexe”.Trump ayaa soo jeediyay la wareegida Mareykanka ee Marinka Gaza si dib loogu dhiso deegaanka, oo ay burburiyeen dagaallo tan iyo october 2023, ka dib markii uu horay u soo jeediyay in Falastiiniyiinta ay si joogto ah halkaasi looga saaro.Qorshaha Trump ayaa xoojiyay cabsida Falastiiniyiinta ee muddada dheer soo jirtay ee ah in si joogto ah looga saaro guryahooda, waxaana qorshahan diiday inta badan dalalka caalamka.

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here