24.9 C
New York

Dhegeyso: Dowladda Soomaaliya oo BBC uga warrantay dagaalladii ugu dambeeyay ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Published:

[ad_1]

, 2025-02-26 18:40:12 ,

Xaaladda ayaa maanta deggan deeggaannadii shalay lagu dagaallamay ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaase xalay la soo weriyay duqeyn xagga cirka ah oo lala beegsaday gaadiid ay wateen al-Shabaab meel ku dhaw maagalada Daaru Nimca.Khasaare lixaad leh ayay dhaliyeen dagaallada iyo duqeymaha gobolladaasi ka dhacaya, waxaana meelaha qaar wali lagu arkayaa maydad yaalla.Haddaba si aan u helno warrarkii ugu dambeeyay ee aagagga dagaalka, waxa uu weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan khadka taleefanka ku wareystay taliyaha ciidamada dhulka ee milatariga Soomaaliya Janaraal Sahal Cabdillaahi Cumar oo kamid ah saraakiisha hoggaaminaysa dagaalka ka socda gobolladaas.

[ad_2]

Related articles

Recent articles

spot_img