More

    ‘Waxaa lagu hayaa Islii weeraro qaawan, waxayna askartu ka qaateen goobaha ganacsiga dhowr milyan’

    Published on:



    , 2024-02-14 12:42:18 ,

    Qoraalka sawirka, Dumar Soomaali ah oo dhex socda Islii14 Febraayo 2024Xaafada Islii oo uu ku yaalo mid ka mida ganacsiga ugu xoogan Nairobi, xuduna u ah Soomaalida waxaa ganacsatadu sheegeen inay la kulmayaan cadaadis ay ku hayaan ciidamo ka tirsan dowlada Kenya oo sheegay inay la dagaalamayan waxyaabo ay ku sheegeen korotobaan.Ciidamadan ayaa iridaha isugu dhuftay xarumo ganacsi, iyaga oo sidoo kale jabiyay kuwa kale oo xirnaa, sida ay BBC u sheegeen guddiga ganacsatada Islii iyo xildhibaanka laga soo doorto deegaankan. Howlgalkii ugu dambeeyay waxa uu halkaas ka dhacay shalay, markaas oo ay ganacta isula tageen ganacstada iyo xildhibaan Yuusuf Xasan oo dhinac ah iyo askarta fulineysay howlgalka. Qoraalka sawirka, Xildhibaan Yuusuf Xasan, “Waxay ahaayeen ciidamo dhar cad ah oo hubaysan, markii dadkii ganacsatada ay waydiiyeen inay isku cadeeyaan waxa ay yihiin iyo haddii ay ogolaansho ka wataan Maxkamad waa ay diideen labada,” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Xasan. “Anigu waxan ka dalbaday markii mesha an tagay inay ka baxaan goobaha ganacsiga xaafada waana iideen, dukaamo ayay jabiyeen taasna sharciga wadanka ayey xad gudub ku tahay.”Xildhibaan Yuusuf ayaa BBC-da u sheegay in dhowr jeer oo is xig xigay ay xaafada ku soo qaadeen ciidamadan howlgadan ayna qaateen alaab qiimo ahaan gaaraysa dhowr milyan oo Kenya Shilin.“Waxaan la hadlay taliyaha ciidanka Booliska Kenya, isaga ayaana markii danbe ciidankan ka saaray goobaha ganacsiga. sidaas oo kale wasaaarada arimaha gudaha iyo Nabad sugida waana ka war hayaan doodayda,” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Xasan.Yuusuf Xasan oo arintan si adag hadlay ayaa sheegay in fadhigii maanta ay lahayeen barlamaanka Kenya uu ka sheegay in wixii ka dhacay xaafada Islii ay ahaayeen qayru sharci.“Saaka ayaan arintan hor geeyey Barlamaanka Kenya, waxaana ka codsaday wasaarada amniga inay ka jawaabto in talaabadan ay ragan ciidamada isku sheegay qaadeen ay tahay mid sharciga ku dhisan yahay inay fasax u haysteen iyo u jeedada ay leehaayeen,” ayuu intaas ku daray Xildhibaan Yuusuf Xasan.Xudunta arinta ayaa ah sida ganacsatadu u sheegeen BBC-da caaanaha budada ah ama loo yaqaan caano booraha oo ay ciidamadu sheegeen inay qalad tahay in lagu iibiyo goobaha ganasiga.Isagoo arintaas ka hadlayey Xildhibaan Yuusuf waxaa uu xusay in inta ogaalkiisa aysan jirin meel ay sharci daro qaynuunku ku tilmaamay ganacsiga caanahan.”Shacri wadankan u yaala oo caanahaasi mamnuucaya ma jiro maanta, laakinse waxaa jira u malaynayaa arin qarsoodi ah dowladu wadato oo lagula dagaalamayo caanahaasi, sbabtoo ah waxay diidan yihiin meelaha ay ka imanayaan.” “Laakiin se waxay doonayaan inay si sharci darra kula dagaalamaan, wadankana sharci buu ku dhisan yahay, waxaa la doonayaa in dowladu sharciga ilaali,” ayuu intaas raaciyey Xildhibaan Yuusuf.” Waxaana tagi doonaa Maxkamadaha, dhawaan, ganacsatada la dhibayo in wax cadana laga soo saaroo, caanaha ay canshuurteeda bixiyeen sharci diidaya inay iibiyaan ma jirto.” SOCIAL MEDIAMaxamed Ismaaciil Shiine oo ka mid ganacsatada Soomaalida ee Xaafada Islii ayaa BBC-da u sheegay in ganacstadu u arkaan mid iyaga lagu beegsanayo howlagan.“Waxkasta oo caano ka samaysay sida caano booraha, jiiska, naanka iyo waxa la mida ayey diidayaan, mana jirto wax na loo soo sheegay oo sharci darro ka dhigaya. waxaan u aragnaa mid bartilmaameed ah,” ayuu yiri Shiine.Gudoomiyaha guddiga ganacstada Soomaalida ee xaafada Islii Axmed Sheekh Cabdilaahi ‘Xaaji Yare’ ayaa BBC-da u sheegay in talaabada ay qaadeen ciidamada oo ay ku weerareen goobaha ganacsiga ay tahay fal danbi ah oo ka dhana sharciga Kenya.“Waxaan rabnaa inaan qaadno talaabo kasta oo arintaas an kaga hortagayno sababtoo ah waa mid an haboobayn waana cambaaraynayaa, waxay ahayd in sharciga maraan,” ayuu yiri Xaaji Yare.Wuxuu sheegay in xaafada Islii uu ka jiro ganacsi xoogan oo indhaha Kenya oo dhan hayo loona baahan yahay in ganacstadu yeesheen ka hortag ee aan la samayn dhiig joojin.Isagoo ka hadlayey xiriirka ka dhaxeeya guddiga ganacstada Xaafada Islii iyo Haya’adda Canshuuraha ee ‘KRA’ ayuu sheegay in hadda ay xarun ku leeyihiin xaafada isla markaana ay doonayaan inay muhimad gaara u arkaan maada canshuur badan ka xareeyaan ganacsiga Islii.Guddiga caanaha ee Kenya ayaa hakiyay soo dejinta caanaha budada caanaha lixdii bishii Maarso ee sanadkii tagay hakiyey in dalka laga soo dajiyo caanaha budada ah taas oo ay ku sheegeen inay uga goleeyihiin si ay beeralayda maxalliga ah u helaan fursad weyn.Go’aanaddii Maxkamaddaha ee Caanaha budadda ahMaxkamada Milimani ee Nairobi ayaa la horkeenay bartamihii bishii Janaayo ee sanadkan labo qof oo ay ciidamada DCI ku eedeeyen inay wateen shixnad caanaha budada ah ee la mamnuucay sida ay ku dacweeeyeenLabada qof ee maxkamada la horgeyey ayaa hay’adda DCI ku sheegeen inay wateen ilaa afar boqol oo jawan.Si rasmi ah dowladu uma soo saarin sharciyo, laakiin waxaa jira inay doonayso inay si hoose u wadaan qorshahan ayuu BBC u sheegay Xildhibaan Yuusuf Xasan oo xusay in ay dalku uu leeyahay sharci ama wax lagu joojiyo ama lagu ogolaado kaas oo kaliyana tahay dariiqa saxdaa.


    Ganacsi,Kenya,Dhaqaalaha,Ganacsi,Qurbaha

    Related