More

    Faahfaahinta dabka ka kacay suuqa Bakaaraha iyo gurmadka oo socda

    Published on:



    , 2024-03-10 12:28:46 ,

    SOCIAL10 Maarso 2024Waxaa socda gurmad iyo dadaallo lagu deminayo dab saakay ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo gawaarida dab-damiska ee maamulka gobolka Banaadir iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay halkaasi gaareen.Dabka oo billowday aroortii hore ee saakay ayaa gaar ahaan ka kacay goobaha ganacsi ee ku yaalla waddada isku xirta dhismaha shirkadda Somtel iyo suuqa Cabdalla-shideeye.Ilaa 12 boos oo isku wareeg ah ayaa gubatay, waxaana lagu iibin jiray elektarooniga iyo bagaashka, qaarkood ayaa gebi ahaanba baaba’ay, halka qaarna weli ay gubanayaan.“Halkan musiibo ayaa ka dhacday, mobeyllo iyo waxyaabo kale ayaa ku qarxay” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada suuqa oo la hadlayay warbaahinta qaranka dowladda Soomaaliya.Mas’uuliyiin ka socotay maamulka gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay kooxda al-Shabaab inay ka dambeeyeen dabka oo ay walxaha qarxa dhigeen suuqa, sidaasna uu dabku ku billowday.Bishii January ee sanadkii hore ayay ahayd markii dab sidan oo kale ah uu suuqa ka kacay, halkaasoo ay ka dhalatay khasaare ba’an.Mid ka mid ah haweenka maqaayadaha ku leh suuqa oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in dabku uu yahya mid xooggan oo siduu saakay u billowday aan la damin ilaa iyo haatan.“Wax ii ceyntay malaha, wax walba oo gudaha maqaayadda ii yaallay way baaba’een, waan iska dul taaganahay hadda.” Ayay tiri.Ganacsatada qaar ayaa dhanka kale sheegay in sababta uu dabku saa’id ugu faafay ay tahay in dukaamada qaar ay diideen in biyo lagu shubo si dabka loo demiyo. “Alaabta yaan nalaga qoynin waxay sababtay in guryo badan uu dabku gaaro,” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada.Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yabooh oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lagu guuleystay in lasoo afjaro dabka.”Waxaa ku howlan maamulka gobolka oo dhan, ciidamada amniga iyo dab-damiska oo dhan, waxaana loo soo gurmaday sidii dabka loo demin lahaa oo dadka hantidooda loo badbaadin lahaa,” ayuu yiri.Wuxuu sheegay inay meel fiican mareyso soo afjaridda dabka, oo ku faafay meelo badan oo agagaarka suuqa ah.Ilaa hal qof ayuu sheegay inuu ku dhintay dabka, sidoo kalena shan guri oo dabku qabsaday la damiyay halka khasaaraha hantidana aan weli la ogeyn, inkastoo uu sheegay inuu baaritaan socdo.Wuxuu sheegay in dad uu ku eedeeyay kicinta dabka lagu daba jiro lana soo qaban doono.”Iyadoo la hurdayo ayay inta kartoonno kusoo qaadeen sida qof khashin wada oo kale ayay dhigeen irdaha goobaha ganacsiga, maamulka gobolka Banaadirna waqti ayay gelin doonaan suuqa, welina baaritaan ayaa socda.” “Weli si rasmi ah looma oga waxa ay yihiin ee kartoomada ku jiray, balse baaritaan ayaan wadnaa.” Ayuu yiri guddoomiye Yahoob. SOCIALSuuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdishu waa suuqa ugu weyn ee Soomaaliya, isla markaasna dad badan oo ganacsato ah ay noloshooda ku tiirsan tahay, waxaana soo laalaabatay gubashada suuqan.Waxaana suuqaa lagu iibiyaa badeecooyin nooc walba laga bilaabo cunnada la cuno ilaa qalabka guryaha lagu dhisto.Sidoo kale sanadihii 2019 iyo 2017 ayay ahayd markii dab xooggan oo ka kacay isla suuqan uu sababay khasaare ba’an.


    Ganacsi,Soomaaliya

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here