Muqdisho —
Allah ha u naxariistee Abwaan Sugaal Cabdulle Cumar oo ka tirsanaa kooxda Fanaaniinta Booliska Soomaaliyeed ee Heegan ayaa shalay ku geeriyooday qarax ka dhacay degmada Xamar Jajab ee Muqdisho.
Abwaanka ayaa ka mid ahaa dadka faro ku tiriska ah ee fanka ku joogay dhinaca sameynta erayada, laxan abuurista, jilaanimo iyo garaacista qeyb kamid ah agabka Muusigga.
Haddaba, kumuu ahaa Abwaan Sugaal? Waxaa warbixin arrintaasi ku saabsan Muqdisho nooga soo diray weriyaha VOA-da Cabdicasiis Barrow.