Muqdisho, 9 Sebteembar — Wakiilka Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Qaramada Midoobay (FAO), Etienne Peterschmitt, ayaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, kala hadlay xaaladda bani’aadannimo iyo khatarta ka dhalan karta roobabka iyo fatahaadaha Soomaaliya.
Wararka Soomaaliya
FAO ayaa kulanka xoogga ku saartay u diyaargarowga fatahaadaha iyo sidii loo ilaalin lahaa bulshooyinka, beeraha iyo ilaha nololeed ee ku teedsan webiyada Jubba iyo Shabeelle.
Wadahadallada waxaa mudnaan gaar ah lagu siiyey xoojinta difaacyada webiyada iyo xiridda meelaha jilicsan ee ay biyuhu ka soo fatahi karaan, gaar ahaan deegaannada gobolka Hiiraan ee uu guddoomiyaha SoDMA dhowaan kormeeray.
FAO iyo SoDMA ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta iskaashiga, digniinaha hore iyo tallaabooyinka ka hortagga ah, si loo yareeyo khasaaraha bani’aadannimo iyo waxyeellada soo gaari karta wax-soo-saarka beeraha.
Faahfaahinta
Hase yeeshee, kulanka laguma shaacin maalgelin cusub, qandaraas lagu dayactirayo jiinka webiyada ama digniin daadgureyn ah oo loo jeediyey bulshada ku nool goobaha khatarta ku jira.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

