Garabka Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), ayaa soo saaray warbixin ku saabsan…
Wararka Soomaaliya
Garabka Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), ayaa soo saaray warbixin ku saabsan weerar dhawaan ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo, kaas oo lagu bartilmaameedsaday guriga Sarreeye Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo horey u soo noqday Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
War-saxaafadeed ka soo baxay hoggaankii Lafta-gareen ayaa lagu sheegay in weerarka ay 3-dii September 2026, diyaarado nooca dagaalka ah ka fuliyeen degmada Doolow ee gobolka Gedo, halkaas oo uu ku sugnaa Sarreeye Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan uu sababay dhaawacyo soo gaaray dad rayid ah iyo burbur ku yimid hoyga taliyaha.
Warbixinta ayaa lagu xusay in Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) oo xilal kala duwan ka soo qabtay hay’adaha amniga, gaar ahaan Taliyaha Booliska Koonfur Galbeed, Taliyaha Booliska Gobolka Bay iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, ujeedada duqayntuna ahayd in lagu khaarajiyo, xilli uu horay u sheegay inuu ka aragti duwan yahay Madaxda DFS.
Faahfaahinta
Garabka Lafta-gareen ayaa ku eedeeyey guddoomiyaha cusub golaha shacabka Soomaaliyeed Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo deegaan ahaan ka soo jeeda Koonfur Galbeed iyo taliyaha ciidanka lugta Soomaaliya ay qorsheeyeen weerarkaan, si loogu joojiyo duullaanka ay ciidamada taabacsan Lafta-gareen ku hayaan magaalada Baydhabo iyo hoggaanka cusub ee loo doortay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in kulan ka dhacay xarunta TURKISOM ee Magaalada Muqdisho lagu qorsheeyey in lagu dilo xubno ay kamid yihiin Gen. Shub, Wasiirkii hore ee amniga Koonfur Galbeed, afhayeenka Lafta-gareen, saraakiil uu ugu horeeyo taliyaha ciidanka Daraawiishta garabka Lafta-gareen ee ku sugan duleedka Magaalada Baydhabo iyo shaqsiyaad kale oo xogtooda lagu helay baaritaan la sameeyey.
Ugu dambayntiina Lafta-gareen ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobey, Midowga Africa, IGAD, beesha caalamka iyo dhammaan dalalka daneeya arrimaah Soomaaliya in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo dhacadadii ka dhacday degmada Doolow ee gobolka Gedo ayna ilgaar ah ku hayaan beegsiga shaqsiyaadka iyo xubno ka aragtida duwan dowladda Soomaaliya.
Saamaynta
Ciidamada Dowladda Itoobiya ee gacanta ku haya garoonka diyaaradaha degmada Doolow oo ku yaal agagaarka guriga weerarku ka dhacay ayaa la sheegay inay gacanta ku hayaan baaritaanka shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay inay wax ka ogaayeen weerarkii lagu qaaday goobta u degganaa taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen. Shub, oo horay wacad ugu maray inuusan Aadan Madoobe ku ledi doonin hoggaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Taliye Shub oo ay xidid iyo xigaal yihiin Lafta-gareen ayaa muddo dhawr asbuuc ah xabsi guri ku ahaa Magaalada Muqdisho xilligii hoggaanka Koonfur Galbeed laga wareejiyey Lafta-gareen iyadoo saraakiil ka agdhaw Villa Somalia u sababeeyeen sidii meesha looga saari lahaa saamayntiisa deegaamada uu ka soo jeedo ee Koonfur Galbeed, iyadoo bixitaankii Cabdicasiis kadib lagu wargeliyey inuu isaga boxo Magaalada Muqdisho.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

