21.9 C
New York

Wararka: Ehelada marxuum Axmed Haamay oo lagu aasay Galkacyo ayaa b…

Published:

Qaar kamid ah isimada dhaqanka Puntland, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Galkacyo iyo qaybaha kala duwan…

Wararka Soomaaliya

Qaar kamid ah isimada dhaqanka Puntland, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Galkacyo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa maanta duleedka Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug kaga qaybgalay aaska maruxuum ganacsade Sheekh Axmed Yuusuf Faarax, oo xalay makhribkii dabley hubaysani aano qabiil ugu dileen mid kamid ah xaafadaha Magaalada.

Isimadii dhaqanka, madaxdii dowladda iyo qaybihii kala duwanaa ee bulshadii ka qaybgashay aaska ayaa ugu baaqay ehellada marxuumka inay ka fogaadaan aargoosi iyo falal kale oo sii hurin kara colaadda, iyagoo ku boorriyay in kiiska dilka loo maro waddo sharci ah.

Dhanka kalena, ehelada marxuum Sheekh Axmed Haamay ayaa sheegay inay Dowladda Puntland ka sugayaan in ay baaritaan dhab ah samayso, isla markaana ay soo qabato cidda ka dambeysay dilka ganacsadahaan oo caan ka ahaa Magaalada Galkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug.

Faahfaahinta

Dilka ganacsade Axmed Haamay ayaa lala xiriirinayaa aanooyinka qabaa’ilka oo sanadihii la soo dhaafay siweyn ugu soo laalaabtay deegaamada gobolka Mudug, iyadoo marar badan beelaha loogu baaqay inay qisaasaan cidkasta oo dil geysata si loo yareeyo aanooyinka iyo dilalka ku soo badanaya gobolkaasi.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img