24.4 C
New York

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Published:

Shirkadda Meta, oo ay leedahay Facebook iyo Instagram, ayaa toddobaadkan maxkamadda ku hor taagan 29 gobol oo Mareykanka ah kuwaas oo ku eedeeyay inay si ula kac ah uga dhigtay baraha Facebook iyo Instagram kuwo dhalinyarada ku dhejiya taasoo noqonaysa kiiskii ugu weynaa ee la soo dershay arrimaha dhalinyarada iyo baraha bulshada. Maxkamadda federaalka ee Oakland California ayaa lagu furi doonaa Isniinta 18-ka Agoosto, waxaana la filayaa inay socoto muddo todoba toddobaad ah, iyadoo xaakimka Yvonne Gonzalez Rogers ay go’aanka ugu dambeeya soo saari doonto Oktoobar.

Wararka Soomaaliya

Maxkamaddan ayaa muhiim u ah sababtoo ah waxay ka dhigan tahay markii ugu horreysay ee maxkamad federaali ay soo qaaddo eedeymo ballaaran oo ka dhan ah shirkadda Meta kuwaas oo ay ku jiraan inay si ula kac ah u soo uruurisay xogta carruurta ka yar 13 sano, iyadoo jabisay sharciga qarsoonida federaalka. Sidoo kale waxay eedeynayaan in shirkaddu ay si ula kac ah uga dhigtay baraha kuwo dhalinyarada ku dhejiya, iyadoo ay sii waday inay dadka u sheegto inay ammaan yihiin.

Meta ayaa sheegtay in khasaaraha ay la kulmi karto uu gaari karo ilaa $1.4 tirilyan, taasoo ku dhow dhammaan qiimaha shirkadda ee suuqa. Si kastaba ha ahaatee, gobolada ayaa aan sheegin wax cad oo ku saabsan lacagta ay dalbanayaan. Marka laga soo tago magdhowga lacageed, gobolada ayaa sidoo kale ka codsanaya maxkamadda inay ku amarto Meta inay beddesho qaabka baraha u shaqeeyaan oo ay ku jiraan xaddidaad da’eed, in la joojiyo dhaqdhaqaaqa aan dhammaadka lahayn (infinite scroll), iyo in algorithm

Madaxa shirkadda Meta Mark Zuckerberg iyo madaxa Instagram Adam Mosseri ayaa la filayaa inay maxkamadda ka marag kashadaan. Kiiskani waxa uu ka mid yahay 3,000 oo dacwadood oo maxkamadan ku urursan, waxaana uu imaanayaa xilli ay dhageysato dadweynaha waxay muujinayaan in 85% ay rumeysan yihiin in baraha bulshada ay dhalinyarada ku dhejin karaan.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img