xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi sarre oo ka…
Wararka Soomaaliya
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi sarre oo ka socda Hay’adda Refugees International oo uu hoggaaminayay Madaxa Hay’adda Mudane Jeremy Konyndyk .
Kulanka ayaa looga hadlay Iskaashiga Dowladda Puntland iyo Hay’adda Refugees International oo fadhigeedu yahay magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka, waxaa si gaar ah looga hadlay arrimaha Bani’aadanimada , Abaaraha, Qaxootiga iyo Barakacayaasha .
Waxaa kulanka ka qeyb galay Wasiiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Xirsi Qarjab iyo Wasiiru Dowlaha Waaaaradda Qorshaynta Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

