31.9 C
New York

Hanti-dhowrka oo ku dheggan wasaaradda arrimaha dibadda

Published:

Hantidhowrka Guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale oo maanta soo bandhigay baaris sannadeed uu sameeyay xafiiskiisa ayaa eedeymo culus u jeediyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo hay’adaha kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka Soomaaliya

Ugu horreyn Hantidhowrka ayaa shaaca ka qaaday in baarista lagu sameeyay 22 xarumo dowladeed iyo 32 mashruuc oo ka socda dalka, isaga oo sheegay in baarista lagu ogaaday in ay jiraan 66 khaladaad, oo uu kusoo bandhigay warbixintiisa.

Guutaale ayaa sidoo kale xusay in miisaaniyadda hay’adaha la baaray ay u dhiganto 60.1% iyada oo lacagtaas ay tahay $821,996,254, halka wadarta miisaaniyadda dowladdu tahay $1,359,714,328.

Sidoo kale, 59% hay’adaha maray baarista wuxuu sheegay in aysan raacin habraacyada guddiyada qandaraasyada iyo qorshaha iibka, halka 53% hay’adaha maray baarista xafiiska Hantidhowrka la shaaciyay in aysan marin habraacyada xulashada adeeg-bixiyeyaasha iyo la-taliyeyaasha. Halka 46% hay’adaha maray baaristan aanay dhisin guddiyada dallacsiinta, abaalmarinta iyo anshaxa.

Faahfaahinta

Waxaa kale oo uu Hantidhowrku xusay in 50% hay’adaha maray baaristooda sannadlaha ah aanay howlgelin baaraha gudaha ah, taas oo muujisay in ay jiraan gaabisyo ka jiro dhanka diiwaangelinta gaadidika heshiisyada dheef wadaagga ah.

Dhinaca kale, waxaa warbixinta baarista lagu soo bandhigay eedeymo culus oo toos ugu socdo Wasaaradda Arrimaha Soomaaliya oo lagu sheegay inay diblumaasiyiin aan marin shuruucdii loo baahnaa iyo shaqaale aan qaadan tababarka diblumaasiyadda u dirtay dalka dibaddiisa, kuwaas oo howlgalay.

“Wasaaradda arrimaha dibaddu waxa ay dibadda u dirtay 14 diblumaasi iyada oo aan si buuxda loo raacin shuruudii looga baahnaa, halka 19 shaqaale aysan qaadan tababarka diblumaasiyadda kahor inta aysan howlgelin,” ayuu yiri Hantidhowrku.

Saamaynta

Ugu dambeyn, Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa sheegay in uu talooyin ku saabsan khataraha iyo sida looga hortagi karo uu siiyay maamulka hay’adaha ku shaqada leh baaristan, sida lagu xusay warbixinta uu soo saaray.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img