Wasiirka Arrimaha Qurba-joogta Israa’iil, Amichai Chikli ayaa sheegay in dalkiisu u baahan yahay inuu sii xoojiyo xiriirka uu la leeyahay xulafada ay ka mid yihiin Somaliland, Giriigga, Qubrus iyo Imaaraadka Carabta, xilli ay sii kordhayaan walaacyada Israa’iil ee isbeddellada cusub ee dhinaca amniga iyo difaaca ee Bariga Dhexe.
Wararka Soomaaliya
Sida ay baahisay Clash Report, Chikli ayaa si gaar ah u xusay muhiimadda ay leedahay in Israa’iil ay sii qoto-dheereyso xiriirrada ay la leedahay maamulka Somaliland, Giriigga, Qubrus iyo Imaaraadka Carabta.
Wasiirka ayaa sidoo kale walaac xooggan ka muujiyay waxa uu ku tilmaamay “horumar aad khatar u ah oo walaac leh” oo ka dhashay Isbahaysiga Makka, kaas oo ay dhowaan wada saxiixdeen Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan.
Chikli ayaa sheegay in Sacuudiga uu horey heshiis difaac ula lahaa Pakistan, balse uu walaac gaar ah ka qabo xiriirka sii xoogeysanaya ee Riyaad iyo Ankara, isaga oo Turkiga ku eedeeyay inuu hadda si toos ah uga soo horjeedo Israa’iil.
Faahfaahinta
“Isbahaysiga Makka waa horumar aad khatar u ah oo aad u walaac badan,” ayuu yiri Chikli. Tallaabada Sacuudiga ugu sii dhowaanayo Turkiga ayuu sheegay inay yeelan karto cawaaqib culus oo dhinaca amniga iyo siyaasadda ah, gaar ahaan marka la eego xaaladaha ka jira Badda Mediterranean-ka iyo jiidda Suuriya.
Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli xiriirka u dhexeeya Israa’iil iyo Turkiga uu muddooyinkii dambe si weyn u xumaaday, iyadoo labada dal ay isku hayaan arrimo la xiriira siyaasadda gobolka, amniga iyo xaaladda Bariga Dhexe.
Walaaca Tel Aviv ayaa sidoo kale imanaya iyadoo Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan ay xoojinayaan iskaashigooda dhinaca difaaca, taas oo Israa’iil u aragto isbeddel cusub oo saameyn ku yeelan kara isu-dheellitirka awoodaha gobolka.
Saamaynta
Si kastaba, xaaladda cusub ayaa Israa’iil ku qasbeysa inay sii xoojiso iskaashiga ay la leedahay dhinacyada ay u aragto xulafada muhiimka ah, kuwaas oo ay kamid yihiin maamulka Somaliland, Giriigga, Qubrus iyo Imaaraadka Carabta, sida uu sheegay Chikli.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

