Magaalada Muqdisho waxaa maanta xabsi laga sii daayay Weriye Mascuud Warsame oo ah Maamulaha Telefishanka Xogbile TV, ka dib markii uu 40 maalmood oo xiriir ah ku jiray gacanta hay’adaha ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wararka Soomaaliya
Sii-deynta weriyaha ayaa timid iyadoo aan wax eed ah oo sharci ah lagu soo oogin intii uu xirnaa, taas oo muujinaysa in xariggiisu uu ahaa mid sharci-darro ah oo ka dhan ah xorriyadda saxaafadda.
Bannaanbaxyo iyo dadaallo ay dhigeen hawlwadeennada warbaahinta iyo ururka u-dooda xuquuqda suxufiyiinta ee Safe Reporters of Somalia (SRS) ayaa ugu dambeyntii dhaliyay in Mascuud uu dib u helo xorriyaddiisa, dibna ugu laabto shaqadiisii.
Dhanka kale, wariyaha iyo bahda saxaafadda ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay xil gaar ah iska saarto ilaalinta iyo badqabka hawlwadeennada warbaahinta, kuwaas oo u taagan u-adeegidda bulshada iyo baahinta xogta ay muwaadiniintu xaqa u leeyihiin.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

