22.9 C
New York

Dowladda Soomaaliya oo ansixisay…

Published:

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixisay sharciga asalka badeecadaha, taas oo ay sheegtay inay qeyb muhiim ah ka tahay dadaallada lagu kobcinayo wax-soo-saarka gudaha iyo sidii badeecadaha Soomaaliya loogu fududeyn lahaa inay galaan suuqyada gobolka iyo qaaradda Afrika.

Wararka Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Jamaal Maxamed Xasan oo warbaahinta la hadlay kadib kulankii Golaha Wasiirrada ee Khamiista ayaa sheegay in sharcigan uu ganacsatada iyo warshadaha gudaha u sahli doono inay helaan shahaadada caddeynta asalka badeecadaha (Certificate of Origin).

Wasiirka ayaa xusay in shahaadadaasi ay muhiim u tahay badeecadaha Soomaaliyeed ee loo dhoofinayo dalalka ay Soomaaliya heshiisyada ganacsi la leedahay, gaar ahaan Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika (AfCFTA), maadaama ay u oggolaaneyso inay ka faa’iideystaan cashuur-dhaafyada iyo fududeymaha ku jira heshiisyadaas.

Wasiir Jamaal ayaa sheegay in badeecadaha buuxiya shuruudaha sharciga oo ay ku jiraan kuwa lagu farsameeyo ama lagu soo saaro Soomaaliya, ay heli doonaan aqoonsi rasmi ah oo caddeynaya halka ay asal ahaan ka soo jeedaan. Tallaabadan ayaa la filayaa inay fududeyso dhoofinta isla markaana kor u qaaddo tartanka wax-soo-saarka gudaha.

Faahfaahinta

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay waddo qorsheyaal lagu dhiirrigelinayo warshadaha gudaha, kuwaas oo ay ka mid yihiin dib-u-eegista siyaasadaha canshuuraha, si mudnaan iyo dhiirrigelin loogu sameeyo badeecadaha gudaha lagu soo saaro, loona xoojiyo awoodda shirkadaha Soomaaliyeed.

Sida uu sheegay Jamaal, siyaasadaha cusub waxaa sidoo kale looga gol leeyahay in lagu kordhiyo maalgashiga gudaha, lagu abuuro fursado shaqo oo dheeraad ah, isla markaana la yareeyo ku-tiirsanaanta badeecadaha dibadda laga soo dejiyo.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dejinta siyaasado lagu ilaalinayo wax-soo-saarka gudaha, iyadoo ujeeddadu tahay in la dhiso dhaqaale ku tiirsan warshadaha iyo beeraha dalka, lana xoojiyo awoodda Soomaaliya ee dhoofinta badeecadaha iyo ka qaybgalka suuqyada gobolka iyo qaaradda Afrika.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img