25.8 C
New York

Jubbaland oo war kasoo saartay dagaalka DF iyo PUNTLAND

Published:

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa looga hadlay dagaalkii maanta ciidamada PSF-ta ee taabacsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Puntland ku dhex-maray waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wararka Soomaaliya

Jubbaland oo garab istaag u muujisay dhiggeeda Puntland ayaa cambaareysay colaad ay sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka hurinayo deegaannada maamulkaasi, maadaama ay dagaallo ka qarxeen meelaha qaar, sida Bari iyo Mudug.

“Dowladda Jubaland waxay si adag u cambaaraynaysaa colaadaha iyo xasillooni-darrada uu Madaxwaynaha waqtigiisu dhammaaday ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ka hurinayo deegaannada Puntland, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug,” ayay tiri Madaxtooyada Jubbaland.

Sidoo kale, waxaa Jubbaland ay sheegtay inay nasiib darro tahay in ciidamadii Xoogga Dalka iyo hubkii Dowladda Federaalka lagu daabulayo deegaannada nabdoon, iyada oo weli ay dalka halis ku hayaan kooxaha argagixisada.

Faahfaahinta

“Waxaa nasiib-darro ah in, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka ee dagaalka kula jira Argagixisada ay heleen guulo iyo horumar la taaban karo oo ay uga difaacayaan dalka kooxaha argagixisada, haddana hub iyo ciidan lagu daabulayo deegaanno nabdoon oo ka jira amni iyo kala dambayn,” ayay sii raacisay Puntland.

Waxaa kale oo Jubbaland ay sheegtay in tallaabooyinkani ay khatar ku yihiin nabadda, xasilloonida iyo wada noolaanshaha bulshada, iyagoo wiiqaya horumarka muuqda ee laga gaaray amniga iyo dib-u-heshiisiinta magaalada Gaalkacyo muddadii tobanka sano ahayd ee la soo dhaafay.

Jubbaland ayaa sidoo kale ugu baaqday madaxda iyo shacabka Puntland inay muujiyaan baraarug iyo midnimo, kana hortagaan wax kasta oo horseedi kara burburinta jiritaanka Puntland iyo amniga ay maanta ku naaloonayso.

Saamaynta

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo Puntland ay guul wayn ka sheegatay dagaalkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxayna sheegtay in lasoo afjaray ciidamadii PSF ee ku sugnaa xerada lagu dagaalamay.

Madaxweyne Saciid Deni oo dagaalka kadib shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in howlgalkan uu yahay farriin ku socota cid kasta oo kasoo horjeedo nidaamkooda. “Howlgalka ay ciidamadu ka sameeyeen Gaalkacyo waa fariin ku socota cidkasta oo ka shaqeynaysa waxkasta oo lidi ku ah Dowladnimada Puntland,” ayuu yiri Saciid Deni.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img