25.8 C
New York

Puntland oo guul ka sheegatay dagaalkii Gaalkacyo iyo Deni oo diray…

Published:

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo shir jaraa’id qabtay ayaa si kulul uga hadlay dagaalkii cuslaa ee maanta ka dhacay waqooyiga magaalada Gaakacyo, ee u dhexeeyay ciidamada ammaanka maamulkaas iyo kuwa PSF-ta ee taabacsan dowladda Soomaaliya, kaas oo guul wayn ay ka sheegatay Dowlad Goboleedka Puntland.

Wararka Soomaaliya

Saciid Deni ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkaas oo ay qaadeen ciidamada Puntland lagu soo afjaray xero uu sheegay in laga soo abaabulayay amni darrada oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamada taabacsan dowladda dhexe.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in howlgalkan ee ay guusha ka gaartay Puntand uu yahay farriin ku socota cid kasta oo kasoo horjeedo nidaamka dowliga ah.

“Howlgalka ay ciidamadu ka sameeyeen Gaalkacyo waa fariin ku socota cidkasta oo ka shaqeynaysa waxkasta oo lidi ku ah Dowladnimada Puntland,” ayuu yiri Saciid Deni.

Faahfaahinta

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale farriin u diray ciidamada la sheegay in Dowladda Federaaka ay ka qoratay deegaannada maamulkaas, isaga oo ugu baaqay inay isa soo dhiibaan, kuna biiraan ciidamada Daraawiishta.

“Puntand ciidanka jooga waa ciidanka Puntland maanta, ciidan kale oo ka jiraa ma jiraan, waxaan rabaa in dhalinyaradaas ay ciidamada dowladda Puntland kamid noqdaan isu soo dhiibaan, nidaamka dowliga ahna raacaan,” ayuu raaciyay.

Dhinaca kale, warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in lasoo gabagabeeyay howlgalkii ka dhacay gudaha magaalada Gaalkacyo, isla markaana lasoo qabtay saraakiishii hoggaamineysay ciidamadii ku sugnaa xerada PSF ee dhanka waqooyi bari ee magaaladaasi.

Saamaynta

“Ciidanka Difaaca Puntland ayaa maanta si guul leh u soo gabagabeeyey hawlgal amni oo qorshaysnaa kana dhacay magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu bartilmaameedsaday kooxo hubaysan oo ku sugnaa magaalada, kuwaas oo falalkoodu khatar ku ahaa amniga iyo kala dambeynta. Hawlgalka ayaa lagu soo qabtay saraakiishii hoggaaminaysay kooxaha hubaysan, waxaana ka mid ah Giijaale Cabdi Baydhabo, Taliyihii maleeshiyaadka Gaalkacyo. Baariyoow, ku-xigeenkiisii Mahad Mowliid, iyo shakhsigii u qaabilsanaa maamulka

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in nolosha lagu qabtay ilaa 101 eedeysane iyo 60 kale oo dhaawacyo ah, kuwaas oo hadda ku jira gacanta Puntand.

“Hawlgalka waxaa lagu soo qabtay 101 eedeysane, halka sidoo kale gacanta lagu dhigay 60 qof oo dhaawac ah. Marka laga reebo saraakiisha iyo shaqsiyaadka loo haysto dambiyada culus, ehellada dadka dhaawaca ah waxay la wareegi karaan iyagoo raacaya habraacyada ay dejinayaan hay’adaha amniga iyo garsoorka,” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img