Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay musiibo ka dhalatay roobabkii xooggan oo ka da’ay dalka Itoobiya, kuwaas oo sababay khasaarooyin lixaadleh oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh.
Wararka Soomaaliya
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa loogu tacsiyeeyay dowladda Itoobiya iyo shacabkeeda, maadaama waxyeello xooggan ay dalkaasi u gaysteen roobabkii ka da’ay halkaasi.
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, hoggaankeeda, dowladdeeda iyo shacabkeeda, kaddib masiibadii ka dhalatay roobab mahiigaan ah oo ku dhuftay gobolka Amxaarada,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale, Soomaaliya ayaa garab istaag buuxa u muujisay Itoobiya xilligan adag, waxayna shaacisay inay ka xun tahay dhacdadaasi.
Faahfaahinta
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay garab taagan tahay Dowladda Itoobiya xilligan adag. Soomaaliya waxay tacsi u diraysaa qoysaska iyo ehelada dadkii ku geeriyooday masiibadan, waxayna u muujinaysaa sida ay uga xuntahay ugana murugooneyso dadka ku dhaawacmay,” ayaa lasii raaciyay.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale bogaadisay dadaallada socda ee lagu baadi goobaayo, laguna badbaadinaayo dadka ay masiibadu saameysay.
Waxaa kale oo warsaxaafadeedka intaas kusii daray “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay u rajaynaysaa dhaawacyada caafimaad degdeg ah”.
Saamaynta
Soomaaliya iyo Itoobiya oo ah laba dal oo saaxibo ah ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir xooggan iyo iskaashi dhinacyo kala duwan leh, maadaama ay daris yihiin labada dal.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

