25.8 C
New York

DFS oo ka tacsiyeysay roobab ku dhuftay gobolka Amxaarada ee Itoobiya.

Published:

saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa…

Wararka Soomaaliya

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shacabka iyo Dowladda Itoobiya uga tacsiyeysay masiibada ka dhalatay roobabkii xooganaa ee ku dhuftay gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiy.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay Dowladda Itoobiya xilligan adag, isla markaana ay la qaybsanayso murugada qoysaska iyo ehelada dadkii ku geeriyooday musiibada. Dowladda Federaalka waxay u muujisay taageero iyo damqasho dadka ay saameeyeen dhacdadan dabiiciga ah.

Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya waxay bogaadisay dadaallada socda ee lagu badbaadinayo dadka ay dhibaatadu saameysay iyo howlaha gurmadka ee ay wadaan hay’adaha dowladda iyo kuwa samatabbixinta, waxayna xustay muhiimadda ay leedahay in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo dadka ku barakacay ama ku dhaawacmay masiibada.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img